CED-Som
|

Ra’iisul Wasaarihii dalka Ethiopia oo geeriyooday (Taariikhdiisa)

Raiisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi ayaa si rasmi ah loo shaaciyay inuu u geeriyooday xanuun mudooyinkii lasoo dhaafay hayay, waxaana warkan laga sii daayay Telefshinka qaranka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay dowladda Ethiopia (Bereket Simon) ayaa sheegay in uu xanuunsanaa Ra’iisul Wasaaraha muddo bil ah, oo lagu aaweynayay isbitaal ku yaalla Belgium, halkaasi oo uu ku dhintay.

Mudo bil ah laguma arkin Meles Zenawi goobaha shirarka ka dhacayeen iyo xarumaha dowladda, taasoo keenta in lagu murmo geeradiisa iyo noloshasiisa.

 Meles Zenawi wuxuu ku dhashay magaalada Adwa ee Waqooyiga dalka Ethiopia bishii May 8, 1955 , wuxuuna waxbarashadiisii hoose ku soo qaatay Queen of Sheba Junior Secondary School, isagoo waxbasharashadiisa sare dhameystay uu ku dhamaystey  General Wingate School  ee magaalada  Addis Ababa sanadkii 1972.
Markaasi kadib wuxuu ku biirey jaamacada Addis Ababa kulliyadeeda Caafimaadka muddo labo sano ah. sanadkii 1974kii isagoo ayuu ku biirey jabhadii la oran jirey  Tigrai Peoples Liberation Front (TPLF), waxaana loo doortay Sanadkii 1979kii inuu xubin ka noqdo golihii hogaaminta ee TPLF, waxana uu ka mid noqday sanadkii 1983dii guddigii fulinta ee jabhadda.

Zenawi ayaa Guddoomiye u noqday TPLF iyo EPRDF oo ay ku midoobeen afar urur siyaasi ah oo ka jirey Ethiopia sanadkii 1989 Markii la afgambiyey xukuumadii hore.

28-kii May 1991-kii, bila tirsiga Itoobiyana uu ahaa 20-kii Ginbot 1983-kii ayaa jabhaddii Dimoqraadiga Kacaanka dadka Itoobiya ee EPRDF ay si rasmi ah ula wareegeen talada xukunka iyadoo meesha ay saareen xukuumadii Mingiste

Wuxuu sanadkii 1991 ilaa 1995-kii noqday Madaxweynihii KMG ahaa ee Ethiopia, waxaana isla sanadkii 1995tii loo doortay Ra’iisul Wasaaraha xukumada Federalka Ethiopia.

Zenawi ayaa noqday Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika june 1995 ilaa june 1996, wuxuu xoogga saaray in dhaqaalaha dalka Ethipia wax badan ka badalo, isla markaana Dimoqraadiyada ka hirgeliyo wadanka inkastoo lagu eedeeyo inuu in xaquuqda aadanaha dowladdiisa ku tumato.

Mudadii u xilka hayay wuxuu dagaal dowladiisa ay la gashaty waddanka ay deriska yihiin ee Erateria, sidoo kale wuxuu ciidamo u soo diray Soomaaliya oo ilaa iyo hada ay ka joogaan gobolo ka tirsan Somalia.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 21 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...