Jiritaanka xiliga Dawladda KMG ee Soomaaliya oo maanta ku eg
Waxaa maanta ku eg jiritaanka Dowladda Federaalka KMG Somalia, iyadoo qorshuhu ahaa in maanta ay dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee xukumi lahaa dalka.
20-ka August oo ah waqtigi loo qabtay dowlada sida uu uu dhigayay heshiiskii saxiixayaasha Roadmap-ka, waxaana dib u dhacay qorshaha soo xulista Baarlamaanka oo dooran lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka kadibna u gudbi lahaa doorashada Madaxweynaha.
Dib u dhac ku yimid soo xulista baarlamaanka ayaa sababay in qorshuhu intaan soo gaaraan oo waqtigi ay ku heshiiyeen saxiixayaasha roadmap-ka ay wax ku hagaagi waayaan.
Ra’isulwasaaraha waqtigiisu dhacay ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas ayaa sheegay in dowlada cusub laga sugayo in ay xooga saarto arrimaha dhaqaalaha isla markaana ay la tartanto dalalka gobolka.
Waxaa shalay magaalada Muqdisho waxa tegey wafdi ka kooban bulshada caalamka oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Maraykanka iyo dalalka la-deriska ah Somalia, kuwaasi oo kulammo la yeeshay madaxda dawladda si looga mira dhaliyo qorshaha ka gudbitaanka xilga KMG.
Email: warfaafiye@gmail.com
