CED-Som
|

War Murtiyeed Beesha caalamka ka soo saartay xaalada kala guurka

War murtiyeed si wada jir ah ay u soo saareen Xubno ka socda Beesha Caalamka, IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Djibouti, Ethiopia, Midowga Yurub,Talyaaniga, Turkey, Ingiriiska, Mareykanka iyo goob joogayaasha caalamiga ee howshoodu tahay kormeerida xulista baarlamaanka cusub oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa si wada jir ah u soo saaray kaasoo ay ku taageerayaan dadaalka dhameystirka howlaha ku-meelgaarka, waxaana lagu yiri:

Waxaan Muqdisho u joognaa in aan muujino taageeradeena sababtoo ah maanta waxay shacabka Soomaaliyeed go’aansan doonaan mustaqbalkooda iyo aayahooda qarannimo.

Beesha caalamka waxay soo dhaweyneysaa horumarka la taaban karo oo ay horseedka ka ahaayeen madaxda Soomaalida iyo shacabka Soomaaliyeed, Caqabadaha jira ka sokow, guulaha la gaaray waxaa ka mid ahaa: xulista duub dhaqameedyada, qabashidii shirkii Ergada Ansixinta Dastuurka,

Ansixinta Dastuurka cusub oo lagu ansixiyay qaab hufan oo Soomaalidu u dhan tahay, kaas oo ka dhacay markii ugu horeysay 20 sano gudaha dalka Soomaaliya. Soomaaliya waxaa soo foodsaartay fursad balaaran oo lagu hannan karo nabad waarta iyo xasilooni, waxaana taas ku mahadsan hogaanka Soomaaliya iyo geesinimada ay muujiyeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Waxaan ugu baaqeynaa Saxiixayaasha in ay sii wadaan howlihii loo igmaday, kuna dhameeyaan howlaha wakhtigii lagu balamay iyadoo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Shirkii London, Shirkii Istanbul, Shirkii Rome – oo dhamaantood farayay Saxiixayaasha wadashaqeyn iyo in lagala xisaabtami doono dhameystirka howlaha kumeelgaarka oo ay saxiixeen.

Waxaan aamiinsan nahay in uu jiro jawi uu Baarlamaanka cusub ku shaqeyn karo ugu horeyn berito, waana in kal-fadhigaas uu dhaco.

Gudiga Farsamada Xulista Baarlamaanka ayaa dhameystiray xubnihii ugu badnaa ee ka qeyb gali lahaa baarlamaanka. Waxaan rajeyneynaa in xubnaha 275 qof la heli doono sida ugu dhaqsaha badan, oo ay ku jirto buuxinta xubnaha matalaya dumarka, doorashada Gudoomiye Baarlamaan iyo Madaxweyne.

Waxaan ugu hambalyeynaynaa hufnaanta, howlkarnimada iyo wadaninimada ay muujiyeen xubnaha Gudiga Xulista kuwaas oo si xilkasnimo leh u gutay howlaha iyo xaqiijinjta musharaxiinta baarlamaanka cusub. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan qeybaha ay quseyso in aysan caqabad ku noqon Gudiga Farsamada Xulista oo aan loo hanjabin.

Waxaa jiray musharaxiin uu diiday Gudiga Farsamada Xulista, kuwaas oo ruqsad ka heysta go’aamadii heshiiskii Garoowe. Sidaas darteed, waxaan rajeyneynaa in qaabka Gudiga Farsamada Xulista uu noqdo mid dadka oo dhan ay ixtiraamaan iyo go’aamada kasoo baxa, oo ay ka mid tahay qaabka xulista odayaasha iyo wixii go’aan-ka-noqosho ah oo ay ku badalayaan xildhibaanadda baarlamaanka.

Dhameystirka howlaha kala-guurka waa in ay u gogol-xaarto bilowgii nidaam ku dhisan dowladnimo loo dhan yahay. Maadaama uu baarlaamka cusub ku yimid xulis, halka uu doorasho ahaan lahaa, waa lama huraan in la joojiyo dhaqankii daneysiga iyo dagaal-oogenimada ku dhisnaa.

Baarlamaanka cusub waa in uu yahay mid ay ku badan yihiin siyaasiyiin cusub, oo ay ka mid yihiin dumarka Soomaaliyeed.

Ahmiyada koowaad waa in la hubiyaa in dadka Soomaaliyeed ay helaan matalaad fiican, noqdaanna kuwa ka macaasha nidaamka cusub si loo hanto kalsoonida shacabka, loona xaqiijiyo nabad waarta, oo lasoo celiyaa dhaqaalaha iyo dowlad karti iyo hufnaan leh oo matasha rabitaanka shacabka, ixtiraamta xoriyadda iyo hididiilaha shacabka Soomaaliyeed.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 20 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...