Guddoomiye KMG ah oo loo doortay Baarlamaanka cusub ee Somalia
Munaasabada lagu dhaarinayay Xildhibaanada cusub ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la dhaariyay tiro ku dhow 222 Mudane, iyadoo ay ku jiraan wajiyo cusub iyo kuwo horay uga tirsanaa Baarlamaankii hore.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa goobta kaga dhawaaqay in Xildhibaanada ay iclaamiyaan waqtiga la dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ah 26-ka bishan, kuxigeenadiisa iyo doorashada Madaxweynaha, isagoo xusay in Aqalka Baarlamaanka la wareegayo howsha dalka.
Gen. Muuse Xasan Cabdulle oo ah ninka ugu da’da weyn xildhibaanada ayaa loo doortay inuu si KMG ah u shir gudoomiyo Baarlamaanka cusub, wuxuuna Generalka horay ugu mid ahaa Ciidamada qalabka, waana nin ku cusub Baarlamaanka.
Gen. Muuse Xasan Cabdulle ayaa da’diisa tahay 72-jir, wuxuuna ku dhawaaqay in muddo shan maalmood oo berri ka bilaabaneysa ay ku soo gudbiyaan musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, isagoo xusay in 26-ka bishan la dooran doono Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.
Sidoo kale Gudoomiyaha KMG ee baarlamaanka cusub ayaa sheegay in maalinta berri ay yeelanayaan kalfadhiga koowaad oo ka dhici doona xarunta gaadiidka Booliska.
Xildhibaanada cusub ayaa waxaa ka dhex muuqda siyaasiyiin horay ugu soo mid noqday dowladdihii Carta iyo tii KMG ee Kenya lagu soo dhisay waxaana ka mid ah Dr. Cali Khaliif Galeyr oo horay Xildhibaano u soo noqday, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Gudoomiyaha xilkiisa dhamaaday, Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa dhamaaday Dr. C/wali Gaas iyo rag kale.
Madaxweyne Shariif ayaa bogaadiyay dhaarinta xildhibaanada cusub wuxuuna ku tilmaamay tallaabo cusub oo taariikhi ah, laguna guuleystay xubnihii u horeeyay baarlamaan la dhaariyo.
Sheekh Shariif ayaa xasuusiyey Xildhibaanada cusub in dhaarta ay u dhaarteen dalkooda,dadkooda iyo diintooda aysan aheyn wax fudud loogana baahan yahay in ay si daacad ah ugu soo baxaan dhaarta ay mareen.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in hada la joogo waqtigi ay dowladiisu sugeysay, waxa uu ka codsaday shacabka iyo xildhibaanada in ay u nuglaadaan sharciga si dowlada cusub ay u noqoto mid sharciga dhowrto.
Dhanka kale waxaa soo baxaya qeylo dhaan iyo khilaaf hor leh oo Madaxda Dowladda u dhaxeyso, Madaxweyne Shariif ayaa ka cabanaya qaabka wax u socdaan, wuxuuna ku sheegay in awood xad dhaaf ay loo isticmaalay soo xulista Baarlamaanka iyo maamulka hey’adaha dowliga ah
Email: warfaafiye@gmail.com
