Degmooyin cusub oo lagu kordhiyay Gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan
Xarunta madaxtooyadda Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa Wareegto ka soo baxday waxaa dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.
Wareegtadaan ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa dagmoyin buuxa loogu aqoonsaday deegaanka Jameeca Jilyaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe laga bilaabo 16 febraayo sanadkan 2012.
Sidoo kale waxaa dagmo buuxda iyana loogu aqoonsaday deegaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30 June sanadkan 2012.
Ugu dambeyntii waxaa iyana dagmo buuxdo loogu aqoondasay deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30 june sanadkan 2012.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ayaa ugu baaqday hay’adaha dowliga ah inay dhameystiraan waxyaabaha ay u baahantahay dagmo waliba si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaale, amaanka cadaalada iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin bulshada ku nool dagmooyinkaas.haatan la magacaabay
Email: warfaafiye@gmail.com
