Baarlamaanka cusub oo fariisanayo maalinta Isniinta
Xubanaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta loo qeybiyo kaararkooda aqoonsiga si maalinta Isniinta ay kulankooda ugu horeeyo ka dhaca magaalada Muqdisho.
Xaliimo Ismaaciil Ibrahim ( Xaliimo Yarey ) oo ah la Gudoomiyaha Gudiga farsamada ee u xilsaaraa kala xulista xubnaha Baarlamanka ayaa Idaacadda VOA u sheegtay in liiska 202 xubnood ka kooban ay soo gudbiyeen si loo dhameystiro howlaha ka harsan xilligga kala guurka.
Waxay sheegtay Xaliimo Yarey in maalinta Isniinta kulanka ugu horeeya kadib marka uu dhaco in Xildhibaanada ay iska dhex dooran dooran doonaan shaqsiga ugu da’da weyn iyagoo kadibna dooran doona Gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa oo sii dooran doona Madaxweynaha kama danbeysta.
Qaabka loo soo xulay Baarlamanka cusub ayaa ku saleysan hanaankii awood qeybsiga beelaha Soomaalida ee 4.5 oo ah nidaamkii dowladii Kenya 2004tii.
Email: warfaafiye@gmail.com
