Mo Farah oo been ka sheegay halka uu ku dhashay & Hooyaddiis.Video
Orodyahanka asalkiisa Soomaaliga ah ee u orda dalka Britain Mo Farah ayaa dhawaan warar lagu daabay shabakaddaha Soomaalida oo sheegay in hooyadiis ay 5 KM meel baadiye ah oo u jirta Wajaale ay ku nooshahay, isla markaana ay habeenkii dhoweyd uu qaadayay bilaada dahabka au u soo lugeysay Wajaale, wuxuuna Mo Farah uu beeniyay in hooyadiis ay ku nooshahay baadiye.
Muuqaal la soo bandhigay oo laga soo qaaday familka Mo Farah, gaar ahaan Hooyadiis Caasho Muxumad Weyrax oo ku nool baadiyaha gobolka Gibiley, waxay sheegtay Hooyo Caasho ineyssan marna ka tegin deegaanka uu ku dhashay Mo Farah ee loo yaqaan Godka Carada.
Hooyo Caasho ayaa tilmaamtay iney jeceshahay iney weligood deganaato meesha ay ku ilmo dhashay ee baadiyaha, halkaasi oo ay sheegtay iney ku dhashay Mo Farah iyo walaalkii Mataanka la ah. Hooyo Caasho ayaa ah Xoolaley degan deegaanka Godka carada ee ka tirsan degmada Togwajaale.
Mo farah wuxuu yiri mar uu la hadlayay Idaacadda VOA “Hooyadey kuma noola Baadiyaha, waxay ku nooshahay magaalada Hargeysa, weyna daawaneysay orodkii shalay” laakiin ujeedada uu ka lahaa arintaasna lagama yaqaan.
Taariikhdiisa dhalasho ayaa Mo Farah waxaa ugu qoran inuu ku dhashay magaalada Muqdisho, hase ahaatee Hooyo Caasho Muxumad waxay carabka ku dhufatay iney ku nooshahay meesha uu ku dhashay Mo Farah ee tuulada Godka carada.
Email: warfaafiye@gmail.com
