CED-Som
|

Qabiilka oo qaatay doorkii axsaabtii siyaasadeed (Faalo)

Waxaa la soo gaaray waqti KMG-nimada Dowladda Soomaaliya ay tahay gabogabo, Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa hareeyay tartamo siyaasadeed iyo dhaqdhatqaaqyo loogu xusul duuban yahay dhisidda Baarlamaan dastuuri ah ee cusub, kaasi oo dooran doona Hoggaankii wadanka, guddoonka iyo guddiyada joogtada ah ee Golaha shacbiga.

Soomaaliya waxay ku qariban tahay, waxaan u kala soocneyn siyaasadda iyo dhaqanka. Sarreynta dhaqanka qabiilku wuxuu ka awood badan yahay sharciga iyo caqiiqadada. Dad baa u miyir beelay xubinnimada Baarlamaanka, qaarba la soo taagan xoolo wixii ay haayaan inay ku bxiyaan, halka kuwo kalena waalida ka muuqata darteed geeri la diyaar ah, sida qaar ka mid ah qabqablayaashii hore ee dagaalka iyo kuwa kale ee qiirada qabyaaladdu dilootay. Waxaa kala taagan jufooyinka ay ka soo jeedaan dadka ku jira ololaha iyo Salaadiintooda.

Sabanadaan qabiilka waxaa lagu arkay inuu ka baxo xuduudihiisa dhaqanka, loona isticmaalo inuu matalo doorarkii xisbiyada Siyaasadeed iyo mida maamulka. Awoodaha siyaasadda waxaa looga mid noqonayaa xulataan loo maro qabiilka. Waxa lagu sheego maamul goboleedyadana, waa qabiil is-huwiyay astaamihii maamulka iyo xeerarkii dowlada sida kuwa hadda jira ay yihiin oo kale.

Xaalada burburka ayaa waxay saameysay dhinac walba ee nolosha ummadda, midda Siyaasadeed iyo maamulka wadanka, Baarlamaan ku imaanaya 4.5 ayaa laga rajeynayaa inuu dhiso nidaam dastuuri ah ee Soomaaliya kaga baxeyso xaaladdii burburka iyo hababkii fashilmay ee ku meel-gaarnimada. Qabiilkii wax burburinayay ayaa noqday minqiyaas “Standard” loo isticmaalo awooda dowladda islamarkaana loo doortay inuu noqdo midka hadda ugu muhiimsan ee dhisaaya Qaran Soomaaliyeed ee mideysan, nabadna ah, taasoo xeerarka hadda la guddoonsaday u ah wadiiqo loo hab raacaayo mabaadiida nolosha siyaasadeed ee dalka.

Laaluushka, masuq maasuqa iyo adeegsiga qabyaalada ee looga mid noqonaya awoodaha xukunka ayaa waxaa laga dhigay waajibaad aasaasi ah, shuruudaheena looga gudbaayo xaaladaha siyaasadeed ee KMG ah, taasoo taariikhada adduunka inta laga yaqaan aan weli lagu arkin. Waa habab bidaa’i ah oo aan qayb ka ahayn ilbaxnimada casriga ah, horumarka iyo cilmiga saldhigga u ah himilada bulshooyinka aadamiga ah. Beesha caalamka waxay ku taageereysaa Soomaaliya in tallaabooyinka geeddi socodka ah ee loogu gudbaayo marxaladaha dastuuriga ah in loo maro hababkaas, taasoo qiil looga dhigay Soomaali waxa ay goosatay, ayaan ku la shaqeeneynaa.

Iyadoo hadda lagu muransan yahay ama dhaliilo badan oo qatar ah kasoo qamqamayaan sidey hada wax ku socdaan, baarlamaanka kasoo baxo ayaa la sugayaa in lagu haleeyo aayaha Soomaaliya oo awalba dastuurkii la ansixiyay lagu dhaliilaayay inay ku jiraan qodobo aan waafaqsaneyn Qaranimada, Midnimada iyo Wadajirka Wadanka, Hababka Siyaasadeed ee Xiriirka Awoodaha Dowladda, Diinta iyo Dhaqanka.

Loolanka jufo kasta ee dhexdeeda ah iyo culeyska dusha looga keenayo guddiyada farsamada, kuwa xalinta khilaafaadka iyo odayaasha dhaqanka kuwooda xareysan ayaa daaha waxa ay kaa qaadaayaan inuu jiro shaki iyo dareen ku aaddan waxa soo bixi kara inay xalaal noqon karaan. Waxaa imaan kara su’aal in la iska weydiiyo sharciga iyo xeer dhaqameedka hadda socda keebaa mustaqbalka aasaas noqonayaa, iyada oo dhanka kalena la arkayo daal iyo in qatiyaan laga joogo jufooyinka iyo faragelinta siyaasiyiin awood sheegad ah sidii looga soo xuli lahaa xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka soo socda.

Arrimahaas waa dhab inay xataa abuuri karaan shaki ah howlaha socda in lagu soo dhammeystiri waayo ka hor 20-ka bishanm Wax kasta oo khalad ku bilowda waxay halis u yihiin in ay fashil ku dhamaadaan

Qormada Warfaafiye.com Warfaafiye@gmail.com

Fadlan hadaad qaadaneyso xigasho ku samey qormada Warfaafiye

Wixii talo, tusaale ee ku saabsan dhaliishiina iyo amaantiina kusoo dira Emailka sare.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 14 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...