Qormo:Yuusuf Garaadoow Xamar oo la xumeeyay kusoo dhowoow

Xaqiiqdii ma jiro qof la is-dhihi karo waa kaaga xog-ogaalsan yahay dhacdooyinkii xannuunka badnaa ee magaalada aad ku dhalatay ee Xamar, hase ahaatee, muuqaalkeeda oo muddo hore kuugu danbeysay daraateed ayaan ku leenahay kusoo dhowoow. 21 sano Xamar waxay ku jirtay xaalado khatar ah xag amaan, nolol iyo darxumo kale ee fool xun.

Colaado kala duwan oo joogto noqdeen, burbur, Isbaarooyin iyo barakac socday muddo laba tobonaad sano  (Two Decades) ka badan ayaa waxa ay ka dhigeen magaalo madaxdii dalka, kuwo u keena muuqaalo laga argagaxo iyo dhab ahaantii xaalado laga murugoodo. Beri samaadkii iyo waayihii aad deganaan jirtay Xamar shaki la’aan labo Cali kuma wada murmi karaan in ay ahayd magaalo ku caan ah bilic iyo amaan. Dagaaladii Sokeeye iyo kuwii argagixisadaba waxay meesha ka saareen dowladnimadii, sharciga iyo nidaamkii guud.

Yuusufoow hadaan kuu waramo, hadda wax neecow nabadeed oo caafimaad leh inta ay doonto ha la ekaatee ayaa na soo gashay. Rajadii Xamar xagga dib u dhiskeeda iyo  in ay soo noqoto noloshii iyo degganaanshii lagu yaqiin ayaa waxay tahay wax aad u suurogal ah,  muddo dhowna dhici doona. Waxaa bilaabmay dib u dhis iyo dib u qaabaabeeyn wada saameysay noloshii guud. Waxaad arkaysaa mashaariic mucjisooyin leh iyo dadkii oo si xowli ah u soo guryo noqonaaya. Sidaas darteed, hortaada iyo hareerahaada waxaad ku arkeysaa astaamo noloshii inay dib u soo laabaneyso, horumar leh iyo rajooyin nabadeed, kuwaasoo ah inaad meel kasta oo magaalada ka mid ah aad kaga muuqanaayaan isbadal badan oo u socda si horumar leh oo xowli ah gaar ahaan xagga nolosha iyo dhinaca amaankaba, inkastoo weli la sii arki karo  calaamado amniga wax u dhimi kara oo u baahan in laga guuleysto.

Waxaa kaloo kusoo dhowaataa Xamar oo ay kusoo bateen xag tiro iyo xag tayadaba Suxufiyiin da’yar gabdho iyo wiilalba ah, qorayaal, filim sameeyaal, nooc kasta oo farshaxan sameeyayaal ah, abwaano iyo dadka alifa riwaayadaha iyo sheekooyinka la jecel yahay. Dhanka kalena, Waxaad arkeysaa ganacsi la yaab leh, casri ah, weliba diyaar u ah inay la tartami kara qaar ka mid ah shirkaddaha baayacmushtarka mandaqadda iyo xataa kuwo ka mid kuwa caalamka ayaa Xamar ka hirgalay. Hoteelada iyo deegaanada casriga ahna waxay noqdeen wax lagu tartamo, meel walba waa makhaayad, goobaha lagu nasto, lagu caweeyo, la iskuna balansado ayaa waxay sare u qaadeen bilicdii iyo dhaqdhaqaaqii nolosha ee dhanka magaaleynta iyo sidoo kale noloshii oo ka sii hormareysa sidii lagu yaqiin.

Waxaa mar kale ku dhaheynaa soo dhowoow, Waxaa kaa rabnaa maxaa la timid, maxaa nagu kordhineysaa. Waxaa maqalnay inuu kugu jiro damac siyaasadeed, tartan doorashana aad isu diyaarinayso inaad ka qeybgasho, maxaa iska badalay xirfaddii caanka ku ahayd ee Journalism-ka?

Muddadii aad ka shaqeyn jirtay Radio Muqdisho iyo hey’addii Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo wax badan ku kordhiyay magacaada, xirfad-howleedkaada, taariikhdaada iyo hannaankaada nololeed intaba, waxay sabab u noqdeen inay ku hoggaamiyaan magaca aad maanta leedahay oo aad ka kasbatay  “BBC Laanteeda Af Soomaaliga” iyo World Service, mudadii dheereed ee aad ku dhex jirtay shaqooyinka saxaafadeed ee aqalka “Bush House” iyo muddadii aadka u yareed ee xarun shaqo ku ahayd aqalka cusub ee casriga ah, “Broadcasting House”

Hal abuurka tayeeysan iyo barnaamijyada waqtiga la socda ee aad ku soo kordhisay BBC, Somali Service, waxay noqdeen dhaxal ma guurto ah, gubaabo ku dayasho mudan, una horseedeysaa mustaqblka mujtamaca suxufiyiinta ah ee jiilashii kaa daba hanaqaaday, oo iyagana qaba damac la mid ah hamiga ay kaa arkeen, haddii uusan  noqon mid ka sii hormarsan.

Yuusufoow, siyaasadda iyo xaalada Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiye waddani ah, kartina leh oo wax ka badeli kara wajiga ee maanta leedahay, dalka ka gudbin kara mashaakilka dhinacyada badan leh ee heysta. Hubaal waxaa ah duruufihii shaqo ee aad ku dhex jirtay daraatood inay kaa dhigeen qof xogogaal dhab ah, wacyi sare leh, islamarkaasna qiimeyn ku sameyn kara maraxalada la maraayo oo dhab ahaantii la dhihi karo waxay kuu bisleeyeen inaad ka qaybgeli kartid xag shaqo iyo hoggaminba arrimaha siyaasadda  ayaa haddane dhanka kale, la yaqiinsan yahay inaad tahay qof waayo arag ah oo dhameystiran, marka la tixgeliyo taariikhdaada  shaqo iyo aqoontaadaba.

Waxaa lagaa doonayaa in lagaa ogaado maxaa barnaamij ah oo kuu diyaarsan?, Waxa maanta socda maxaa isbadal ah oo aad ku soo kordhin kartaa? Kuwa na dhibay ee mar walba ka dhex muuqda faltanka siyaasadda ee 4.5-ka, ma dhici kartaa inaad iska hor timaadaan? Ogoow, waxaad ku talagashaa inay jiri doonaan kuwo ku dhibsan doona. Waxaad tixgelisaa inay weli nool yihiin qaar ka mid ah kuwii dacwadaha been abuurka ah kaa qori jiray, iyaga oo tixgelinaayay naceebka ay u qabaan qabiilka aad u dhalatay kaliya, mudadii howlahaadii caadiga ah ka dhex wadday Bush House, muddadii aad ahayd Tifaftirihii Laanta Afka Soomaaliga. Waxay ka xumaayeen ama dhibsan jireen maqaamka aad ka gaartay idacaaddaas caalamiga ah.  Kuwaasi aan soo sheegnay, hadda haddii aad ugu timid siyaasadda, geesanimadeeda ma leedahay inaad iska caabiso, hadii falalkii lagu yaqiin ay mar kale la yimaadaan?

Mujtamaca suxufiyiinta ah, waxay kaa sugayaan inaad wax u kordhiso inta ay doonto ha la eekaadeenee, aqoontooda xirfadeed iyo adeegyada howlahooda, waaya aragnimaada inaad u soo gudbiso isla markaasna xirfadooda aad u bisho sidaad u tayeysay si la mid ah ama ku dhowdhow barnaamijyadii BBC-da ee hada ku danbeysay in laga soo tebiyo Aqalka cusub “Broadcasting House” hadaad qabato xil siyaasadeed iyo hadaadan qabanba.

Ogoow, waxaa hadda lala tabaaleysan yahay dilka loo geysto wax door kasta ee Soomaaliyeed oo Suxufiyiinta ka mid yihiin, howsha weyn ee kuu taalana, waxa ay tahay inaad ka fikirto inaad la timaado qorshe la xiriira badbaadinta ilbaxnimada casriga ah oo ay ugu muhiimsan tahay in la xormeeyo nolosha iyo xaquuqda muwaadanyiinta,  dadka Suxufiyiinta ah iyo xirfadleyda kaleba, laga daayo khaarajinta bareerka ah ee lagu bartilmaameedsanayo. Amarka iyo kala dambeynta sidii loo sugi lahaa, u hirgeli lahayd sharciga nabadgelyada guud iyo Nidaam caddaaladeed oo shaqeyn kara, lana hor horgeyn karo dambiilayaasha ku howlan dilalka qoorsheysan, si qof kasta u helo jaw amaan ah iyo duruuf xasilan.

Qormada Warfaafiye.com Warfaafiye@gmail.com

Fadlan hadaad qaadaneyso xigasho ku samey qormada Warfaafiye

Wixii talo, tusaale ee ku saabsan dhaliishiina iyo amaantiina kusoo dira Emailka sare.

3 Comments

  1. Axmd says:

    Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka
    tageen Soomaalina warkeed daa. Kolkaa inta doorashada ka horrayso ha la cayaaro himiladiisa beenta ah.
    Hadduu rabitaanku fardo ahaan lahaa masaakiintuba way fuuli lahaayeen Ïf wishes were horses, beggars
    would ride them.

  2. Qaran doon says:

    Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid tahay dib u soo noolaynta qaran soomaaliyeed waayo yuusuf waxaa uu tiir dhexaad u ahaa in lawaayo ama uu bueburo qarankii soomaliyeed, sidaa daraadeed tagitaankiisa waa nooc ka mid ah in xididada loo siibo qabqablayaashii dalka soomaliya, sida aan wada xasuusanna dagaalkii sokeeye ee dalkeenna ka dhacay waxaa garwadeen ka ahaa yuusuf garaad beeshiisa, isagana markaas waxaa uu madax ka ahaa BBCda, waxaa uu si xeeladaysan u buun buuniyyey guulihhi ay gaareen urukii USC ee beeshiisi garwadeenka ka ahayd. waxaana uu ka mid ahaa qurba joogtii dhaqaalaha iyo abaabulka ka waday dibadda taasna waa la ogaa oo ma ahayn wax qarsoon. Yuusuf garaad si uu arintaas ugu gacan bannaanaado un a helo idaacad uu ku buunbuuniyo, qoyskiisii dumiyey dalkeenni waxaa uu bahdilaad ku sameeyey waryayaashii idaacddda ee isaga ugu horreeyey meesha kana waayo aragsanaa waana uu kala cayriyey, waxaa uu abuuray kuwo cusub oo aan aqoon iyo waayo aragnomo lahayn, waxaa uu uu ka abuuray dalka gudhiisa idaacadao cusub iyo wariyayaal uu si xeeladaysan uu uga dhigay shaqaale u shaqeeya BBCda oo warka ka soo tabiya guulaha ay gaareen USC. waxaa uu caalamkii ka dhaadhiciyey in ay dalkii oo dhan gacanta ku dhigeen USC, waxaa uu daboolay bililiqadii ka dhacday dalka iyo dilkii baahsanaa ee ay geeysteen USC, taa badalkeeda waxaa uu si aan qarsoonayn uu ammaan iyo bogaadin hawada u mariyey sida xawliga ah USC u guulaysatay, waa la xasuustaa 1991 wixii ka dhaca gobolda Jubbada hoose, Gedo iyo Bay. waan wada xasuusannaa sidii ay u soo tabin jirtay BBCda oo ahayd qaabkii uu u tabin jiray guulaha ay gaareen laakiin la qarin jiray bililiqadii, kufsigii, dilkii, barakicntii, iyo fool xumooyinkii kale ee ay gaysteen USCda. waxaan ku farxsannahy in maanta qaabkii ay u tabin jirtay BBcda dhacdooyinkki 1991 in ay duubanyihiin oo gacanta lagu hayo lana soo bandhigi doonno maalinta sharciga iyo makammdda la isugu yimaado. Cayrinta laga cayriyey yuusuf garaad BBcda waa qayb ka mid ah xakamynta iyo in siyaasadda laga fogeeyo qabqablayaashii dalkaanaan soo maray waxaana arrintaas iska kaashaday waddaniyiinta soomaliyeed iyo beesha caalamka, waxayna bilow u tahay helitaanka qaran soomaliyeed iyo in la fududeyo in sharciaga la soo taago ma naxayaashii gunta u jaray qarankeennii. Waxaad wada xasuusataan dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Ruwaanda in in dadkii maxkamadda la soo tagay ay ku jireen wariyaal caan ahaa oo ka shaqaynayey idaacado caan ah, sidaa daraaded tagi taanka yusuf garaad ee BBCda waxay gogolxaar u tahay in aan cidina ka baxsan doonin wixii dhacay, maalin maalmaha ka mid ahna lala xisaabtami doono dambiila yaashii ku gabood falay shacabka soomaliyeed kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii si dadban iyo si toos ahba uga qayb qaatay wixii ka dhacay dalkeenna 21 sano ee u dambeyey.

  3. Jeelle says:

    Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf Garaad awood qaqable weli aammisan yahay?

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.