CED-Som
|

Xubintii Baarlamaanka ee Beelaha Reer Shabelle oo la iibsaday

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ugaasyada, N/doonada, Aqoonyahanada, iyo Culumaa’udiinka ee Beelaha Reer Shabelle oo kala ah jufooyinka kulanle iyo Badbedaan waxay kaga hadleen qaabka soo xulista Xildhibaanada waxayna saxaafada u sheegeyn in aysan ku qanacsaneen soo xulida xubnaha Barlamaanka cusub.

Ugaas Muxumad Xasan Daa’uud oo ah Ugaaska Beesha Reer Shabeele oo Radio Shabelle la hadlay ayaa sheegay in wax la tashi ah oo asaga lala sameynin qaabka loo soo xulay Xildhibaanka beesha u matalaaya Barlamaanka Cusub, isla markaana aan jirin wax xubin ah ay ku yeesheen maadaama uu sheegay xubintii ay lahaayeen laga iibsaday Nin aan ka soo jeedin Beesha Reer Shabeele, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadaan nahay Beesha Reer Shabeele waxaa dhacday in Ergadii la soo xulay qeyb aan ka helnay hal xubin xildhibaan oo ka mid xildhibaanada Jareerweyne , ayey ku qoraan Dr Adan Xaaji Ibraahim oo ah ninka ay gudbiyeen Sadaxda odayaasha dhaqanka ee u matalaya beelaha jareerweyne ee ka midka ah shirka 135 oday, Dr.Adan maaha qof u dhashay ama matala Reer Shabeele, shaqsigaas ayaa u dhashay Beesha Karanle oo tirsan beesha Murasade/ Hawiye, waan diidnay nama matalo mana ogolin qaabka lagu sheegay in uu ku noqonayo Xildhibaan ka soo jeeda reer shabeelle” sidana waxa yiri Ugaas Muxumad Xasan Daud.

Sidoo kale Ugaas Ibraahim Axmed iyo Cabdulaahi Ciid ayaa ayaguna waxay sheegeen iney jirto isdawa marin ay sameeyeen dad ay sheegeen iney Beesha Jarer weyne ugu qeyb galeen soo xulida xubnaha waxaana sheegen sidoo kale inaanan marbana aqbali doonin in xubin ay lahaayeen ay Beel kalo ay qaadato waxaa intaa ay ku dareen in arintaasi loo baahan yahay Beesha Caalamka iyo Dowlada ku meel gaarka ay soo fara giliyaan gaar ahaan Gudiga Khilaafaadka, isla markaana ay u soo celiyaan xubintooda hadii taasi ay dhicin bey yiraahdeen waxa ka dhasha waxaa dusha u ridan doonta eedeyda cidii arrinkaaswi Falkisay.

“waxaan ugu baaqeynaa Gudiga qilaafaadka in ay jooji yaan Ninkaasi aysan meeshaasi ay ku qorin Ninkaasi wuu iibsaday Lacag ayuu kala baxay Jareerna ma ahan waa Nin Habiya ah Nin Habiya kursiga Reer Shabeele ma qaadan karo” sidaana waxaa raaciyay Cabdulaahi Cumar Ciid.

Tan iyo markii la ansixiyey Dastuurka isla markaana la guda galay soo xulida Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa isa soo taraya cawasho balaaran oo ay ka soo yeereysa qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo sheegayey in la musmaasuqay qaabka soo xulista xubnaha u matalaaya baarlamaanka cusub.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 12 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...