Gaas oo Dhammaadkii kala-guurka ku caasiyoobay Madaxweynahiisa

Shirkii lagu kala booday ee saxiixayaashii is magacaabay oo aan heysan haba yaraatee kalsoonida shacabka ku yeesheen Nairobi kadib ayaa waxaa soo shaac baxayay khilaaf gaamuray oo ka dhaxeeyay dhammaantood, mudo ay gabagabo taagan tahay marxaladdii kala guurka. Iyagoo saxiixayaal ah, ayey haddana waxaa horay loo ogaa iney kala shaki qabeen, hase ahaatee, waxaa isku qasbaayay iney wadajiraan beesha caalamka iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Umadaha Midoobay, Augustine Mahiga.

Dhamaantood marka aad dhinac ka wada eegto waxay ahaayeen dad kala ajande ah, kala fakir ah, isna waafaqi karin, haatana u sharaxan saddaxda ugu sareysa dowladda iney u tartamaan xilka madaxtinimada xiliga kala guurka kadib, iyaga oo kalsooni midba midka kale kala dhaxeyn.

Heshiiskii Kampala oo muddo sannad ka hor, kuna yimid dhexdhexaadintii la dhax dhigay iyo awood qeybsigii labada Shariif ayaa wuxuu noqday mushaakil aasaasi ah oo diiday in lagu sii socdo hannaankii dowladnimada, sharciga iyo axdiga KMG ah.

Waxaa la laalay Jaatarkii KMG, siyaasad iyo awood kasta oo ka hor imanaayaan heshiiskii Kampla, waxaa la nus qaamiyay awoodihii sharciga ee dowladda wax ku fulin laheyd, waxaa la casilay xukuumaddii tayo ee ku dhisneyd taageerada iyo kalsoonida shacbiga Soomaaliyeed. waxaa la fahmi waayay cida dowladda TFG-ga xukunta iyo doorka wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Heshiiskii Kampala waxaa laga soo dhex saaray nidaam Soomaalida ilaa hada faham guud aan ka heysan, waxa loo baxshay “Road Map” oo la sheegay in looga gudbayo waxa lagu micneeyay “Marxaladd KMG” ah.

Xukuumaddii Tayo oo xilkeedii banneysay ayaa waxaa lagu badalay mid kale oo madax looga dhigay Cabdiweli Gaas oo haataan muddo sanad iyo Labo bilood ah soo jirsatay, waqtigeeduna wxuu ku dhamaatay waxqabad la’aan iyo kalsooni daro oo xagga shacbiga kaga imaaneysay. Hase ahaatee shaqadii iyo howlihii loo ikmaday xukuumaddii Gaas waxay ku soo koobmatay kaliya waxa loogu yeeray Road Map, macnaheeduna yahay in muddada KMG-nimada lagu soo afjaro waqti macayin ah ee aan hal sano ka badneyn. Inkastoo afkaar kala duwan muddada kala guurka ay jireen ayaa haddana waxaa la qaatay mid laga soo dhex saaray heshiiskii Kampala oo shacbiga shaki weyn ka qabay.

Waxaa soo baxay saxiixayaal aan loo dhammeyn, kuna mideysneyn wakiilo dhab ah ee matala deegaanada kala duwan ee Soomaaliya, Dowladdii xukuumadii ku mideysneydna axdigii KMG waxaa loo kala qeybiyay xubno Sadax ah oo isku wada awood ah.

Marka waxaa adkaatay in la micneeyo ama la ogaado barnaamijka dhabta ah ee saxiixayaasha iyo mabaadi’da saldhiga u ah heshiiskii Kampala iyo kalmada Road Map-ka oo ku cusub dhegaha dadka Soomaalida.

Natiijadu waxay noqotay in Baarlamaankii ama Hey’addii sharci dejinta ay meesha ka baxdo, guddigii madaxa bannaanaa ee qabyo qoraalka dastuurka hey’ad ahaan iyo qoraal ahaan waxay Sideed sano soo diyaarinayeen in meesha laga saaro laguna badalo mid kale oo aan soo marin geedi socodkii qoraalka iyo doodahii dadweyne, sida kii hore oo kale.

Ugu danbeynna qodobada la dhaliilay ee qabyo qoraalka cusub lagalana yimid Addis Ababa iyo Nairobi ayaa odayaashii iyo ergooyinkii loo maleynayey iney awood u leeyihiin iney soo saaraan qoraalka kama danbeysta ee ansixinta u baahan waxaa lagu wargeliyay “wax lagama badali karo, waxna laguma dari karo”, ilaa Baarlamaan danbe oo xilka sharci dejinta la wareegi doono.

Su’aalaha iyo cabashooyinka laga keenay dastuurkii dhowaan ergooyinkii qaabi’ilku ansixiyeen ayuu ku jirtay qodob si weyn loogu muransan yahay, kasoo ku saabsan xudduudaha Soomaaliya. Muddadii Gaas xilka haayay waxaa dalka ku soo xoogeysanayay fara gelinta wadamada deriska xag Milateri iyo xag Siyaasadeedba. Tuhunka ugu weyn wuxuu saaran yahay Kenya oo damacsan iney xoog kula wareegto dhul-biyoodka Soomaaliyeed ee xiga xudduudda dhinaca koofureed iyo Kenya oo qabanqaabisay maamulo maqaarsaar ah oo ka dhisto gobalada koofureed ee geyiga Soomaaliyeed, marka laga xureeyo argagixisada Al-shabaabta ku milantay Al-qaacida.

Xukuumaddii Gaas ayaa howsheedii waxay ku soo xirantay gadood iyo caasi garoobid ay kala hortimid Madaxweynaha iyo xil gudashadiisaba, iyadoo maalmo yar ka harsan tahay isbadalka cusub ee xiliga kala guurka.

Madaxweynaha wuxuu mas’uul ka yahay, ilaaliyaana sharciga iyo dastuurka waddanka, wuxuu matalaa siyaasadda iyo midnimada dowladeed, amniga iyo difaaca qaranka, iyada halka xukuumaddana ay u xil saaran tahay maamulka dalka. Go’aan kasta oo xukuumadda qaadaneysa waxaa sharciyan xeeriya, diida ama dib u celiya Madaxweynaha. Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay talo wadareed, kala danbeyn iyo hab maamuus. Go’aannada Madaxweynuhu qaato xukuumaddu ma jabin karto, qiilna uguma dhigi karto waafaqsan la’aanta sharciga. Haddii matalan go’aanka Madaxweynaha lagu arko mad madow ama dhaliilo waxaa wax ka badal soo jeedin kara Baarlamaanka, haddii la isku af-garan waayana waxaa sharcigu baneynayaa in loo hab raaco oogis heshiis tanaasulaad ah, “Consensus” ama iney soo farageliso Maxkamadda dastuuriga hadii la kala bixi waayo.

Dunida casriga wey adag tahay ama waa naadir iney dhici karto in la arko xukuumad xurmo-dileysa ama ku caasiyoobeysa Madaxweynaheeda oo ah Madaxii Qaranka.

Qormada Warfaafiye.com
Warfaafiye@gmail.com

Fadlan hadaad qaadaneyso xigasho ku samey qormada Warfaafiye

Comments are closed.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.