CED-Som
|

Cali Dheere”Kuwa ansixiyay dastuur ku sheega waa dileynaa”

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Cali Maxmuud Raage “Cali Dheere” ayaa ku celiyay mar kale in Ururkiisa ay dili doonaan Odayaasha dhaqanka ee ansixiyay dastuurka Soomaaliya hadii aysan ka laaban oo aysan cadeyn iney ka laabteen wax uu ku sheegay danbi.

“Kuwa gaaloobay ee ansixiyay dastuurka hadii aysan ka noqon oo aysan dhihin bari baan ka dhahay, oo aan dhihin waa ka laaban dambigaas waa laga dhaafayaa in  la dilo”ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka aanay aheyn odayaal dhaqan oo sax ah isla markaana qaarkood wuxuu sheegay iney yihiin kuwo ka yimid wadamada Yurub, wuxuuna ugu hanjabay iney dili doonaan ilaa mooyee aysan ka laaban danbi uu sheegay iney galeen.

Wuxuu sheegay in Ugaasyada iyo salaadiinta ee hada ku lugta leh howlaha soo xulista Baarlamaanka ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan matali karin beelaha ay u dhasheen.

“Odayaasha dhaqanka ma ahan kuwii la yaqaan ee saxda ah, gaar ahaan qabiilkaan ka dhashay, waa kuwo been abuur ah oo ka yimid Dowladii ridada ee Cabdulaahi Yuusuf, waxay ka yimaadeen Yurub, Odayaal Yurub laga keenay Soomaali maba taqaano, mana madli karaan “ayuu yiri Cali Dheere.

Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka ansixiyay dastuurka iney dili doonaan cid kasta oo ku lug leh arintaasi, taasoo keentay in amaanka ergooyinka qalqal galo.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 11 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Cali Dheere”Kuwa ansixiyay dastuur ku sheega waa dileynaa””

  1. asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo shayaadiinta uu leeyahay waxbey noo dilaayaan ilaah baa wax dila waxna nooleya sidaas ha ogaado isaga naftiisa iyo inta dad uu uuntay isagaa qorshe u sameystay inuu oofsado hadii uu cali dheere aaminsan yahay inuu wax dili karo bal hala ogaado inuusan islaanminada uu sheeganayo ay tahay mid aan la hubin…… waana mujrim shaydaan ah saas hala ogaado….

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...