CED-Som
|

Argagixisihii Labaaad ee Somaali ah oo deganaan jiray Sweden.

Saxaafada Wadanka Sweden ayaa baryahaan waxaay bogga hore ee Jaraaidada ugu waa weyn ku soo qoreen Argagixiyihii labaad oo degenaa Sweden. Ninkaan ay ku soo bandhigeen bogga hore ee shabakadaha aadka loo aqriyo ee Aftonbladet & Expressen waxay kaga Sheekh Muumin oo ay ku tilmaameen Argagixiso markiisii hore 90-maadkii soo galay wadanka Sweden isagoo magangalyo doon ah.

Sheekh Cabduqaadir Muumin oo haatan ka mid ah mas’uuliyiinta Xarakada Alshabaab, lana arkay waqtiyo badan asagoo hadalo ka dhan ah Reer-galbeedkana ka sheegaya saxaafada ayaa waxa uu magangalyo ku tagay Sweden 90-maadkii xilligaas oo Soomaaliya ay ka taagnayd dagaal-beeleedyo & kuwo sokeeye.

Ma aha Cabduqaadir Muumin keliya ragga ugu culculus xarakada Al-Shabaab ee Sweden ku noolaa ee Fuaad Moxamed Qalaf Shongole ayaa isna degenaa Sweden taasoo booliska uu sheegay inuu lacago kala baxsaday wadanka Sweden inta uusan Alshabaab ku biirin.

Waxa uu Sheekh Muumin Magaalada Gotenberg, Masjidka Gamlastan ka ahaa wadaadk xaga diinta la dhegeysto oo aad loo tixgeliyo. waxa uu ka yimid sida Jariirada sheegtay 1990-maadkii Gobolada Puntland wuxuuna 10 sanno degenaa Sweden guri ku yiil Hjällbo, asaga & xaaskiisa & gabadhiisa yareed.

Waxa uu markii dambe u guuray Ingiriiska, kadib markii uu ka carooday habdhaqanka xaga gudniinka ee wadanka Sweden oo mamnuuc ka ah in la gudo gabdhaha. Waxa uu xiriir fiican la lahaa nin ka mid ah Al-Qaacida kaasoo markii dambe lagu xiray Guantanamo Bay xabsiga USA ay ku xirto qolyaha ay ku sheegto argagixisada Caalamiga.

Waaxda ammaanka ee Dowlada Britain ayaa dabagal iyo caddaadis ku saartay Cabduqaadir Muumin taasoo sabab u ahayd inuu u laabto Soomaaliya. Waxaa bilowgii 2011kii la arkay mar kale isaga oo ka mid ah Xarakada Alshabaab, xilligaas kadib waxa uu si toos ah kaga mid noqday xubnaha firfircoon ee Alshabaab.

Waxaa warbaahinta ay soo bandhigeen Sh Cabdulqaadir Muumin isaga oo carruur Qur’aan aqris ku guuleesatay u qeybinaya qoriga Kalashnikov, Garneelada gacanta, carruur ay u weynaayeen 17 jiro gudaha Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale ku guubaabiyay inay la dagaalaaan Dowladda Soomaaliya & Ciidamahada Shisheeye ee kaabaya, sidoo kale waxaa horay loo sheegay inuu yiri hantida gaalada Kenya qaata, wax walba ay heestaan qaata, jihaadka waa la wadayaa ilaa lagala wareegaayo caalamka gaalada ama la helayo Shahaado ama Janno.

Waxaa sannadkii 2010 aaday Soomaaliya dhalinyaro Soomaali ah oo ka tagay Gothenburg Sweden kuwaasoo tagay Soomaaliya kuna biiray Alshabaab, waxaa sidoo kale ku dhintay dagaalada ilaa 5 dhalinyaro oo wadatay basaboorka Sweden.

Waxaan ilaa hadda la ogayn halka uu ku dambeeyo mas’uulkaan isagoo inta ay Shabaab ka bixin Afgooye ku sugnaa deegaanadaasi.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 11 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...