ZamZam & Maxamed “Kuma laaban karno dalka” Video

Orodyahanada Soomaaliyeed ee ciyaaraha Ololmbikada Londan ka socday kaga qeyb qalay Orodka 1500 iyo 400 Mt ayaa waxay sheegeen ineysan dib ugu laaban karin dalka sababo la xariira dhinaca amaanka.

Maxamed ayaa sheegay in uu jeclaa inuu dib ugu laabto dalka, balse xiligan aysan meel ay ku noqdaan aysan jirin, Zamzam ayaa sidoo kale sheegtay in xiligan fariimo badan oo hanjabaad ah la soo gaarsiiyay, laguna wargeliyay in wax badan laga qaban doono.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadan orodyahan ay qorsheynayaan iney isdhiibaan, balse waxaa beeniyay Duraan Faarax oo sheegay ineysan waxba ka jirin arintaasi.

Marka aad dhuuxdo hadalka Zamzam iyo Maxamed kuwo qorsheystay ineysan dalka dib ugu laaban oo ay iska dhiibi doonaan dalka ay ku sugan yihiin ee Ingiriiska.

One Comment

  1. Qaran doon says:

    wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska dhiiban dalka UK, runtii dadka soomaaliyeed waa ogaayeen in aysan labadaan qof wax guul ah u keeni doonin soomaaliya waayo lama soo maesiin wax tartan iyo is reeb reeb ah waana iska caddayd in meesha loogu qoray caadifad iyo nin jeclaysi iyo in looga faa,iideeyo in ay iska dhiibaan UK waana dhacday sidii aan horay u saadaalinay, runtii waxay ka mid tahay dhibaataynta iyo bahdilaadaada ay ummadda soomalyeed ku hayaan dadkiidkii 21 kii sano ee la soo dhaafay hortaagnaa qaranimadii soomaaliyeed in ay wali ku hamminayaan in ay si xirfadaysan oo isboortigiina ku jiro ummadda soomaaliyeed ugu lugaynayaan. waxaan shaashadaha caalamka ka daawannay gabdha oo ku heesayso hees wadani ah oo intaan ka xasuusto ay lahayd dalkaygow kaa dhoofimaayo waan kuu dhimanayaa iyo ereyo la mid ah, arrintaas waa isbaddashay markii horana run ma ahayn heestaas waana loo dhiibay gabadha heestaas, waxaana la iska dhigayey in ay yihiin dad wadaniyiin ah laakiin arrintu sidaas ma ahayn ee awrka ayaa lagu kacsanayey oo wax kale ayaa qarsoonaa. waxaanse sugaynaa heeska kale ee ku xigo ee ay qaadi doonto. ummadda soomaliyeed waxaa ay ku qasbantahay in ay wax ka badasho hab dhismeedka kooxdaan olompicada soomaaliyeed si aysan u dhicin ceebtaan ku habsatay qarankeenni oo noqday mid looga shaactiraysto ama looga qoslo shaashadaha ama taleefishinada caalamka runtiina waa nasiib darro wixii ka dhacay UK.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.