CED-Som
|

Maxaa kala qabsan doona Drones-ka iyo Al-Shabaab (Warbixin+Sawiro)

Bil ka hor Wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka waxay go’aamisay in ay ku bixiso lacag xoog leh oo gaaraya 33 Malyan oo la dul dhigay Madaxda Todobo qof oo horjoogayaasha Al-Shabaabka kuwooda ugu awooda badan, uguna horeeyo ninka la yiraahdo Axmed Godane.

Marka kadib Mareykanku wuxuu sii xoojiyay la dagaalanka Al-Qaacidada iyo Shabaabka geeska Afrika ka howlgasha, iyada oo Mareykanka diyaariyay qorshe AMISOM kula dagaaleyso 12 diyaaradood oo nooca wax basaasa (Drones) ee laga hago dhulka, lana filayo in laga maamulo xaruntii ciidamada tababarka Xalane.

Marka hore inta aan ka hadlin dhibaatooyinka ay geysteen, tirada dhimasho iyo inta weerar ee ay fuliyeen tan iyo markii la soo saaray, diyaardahan waa muhiim in sharaxaad aan bixiyaa qaababka ay ku howlgasho iyo anoo sawiraayo muuqaaladeeda.

Maamulkii Madaxweyne Bush ayaa bilowday qorshaha la dagaalanka Argagixiso ee ka socday dalalka Afghanistan iyo Pakistaan, iyadoo u aragtay awooda kaliya ee lagaga guuleysan karo Hoggaamiyeyaasha Daalibaan iyo Al-qaacida iney tahay iyadoo la helo qalab wax basaasa, khasaarahiisana yar yahay.

Diyaaraddahani marka muuqaal guud laga bixiyo waa kuwo aad u yaryar oo gacanta laga tuuro, miisaan ahaana kama badna 1.9 kg, waxay duuli karaan 60–90 daqiiqo, oo socon kara 10 km (6.2 miles), marka hawada loo dirayana sida Aabiteyda oo kale ayaa gacanta inta lagu qabto kor loo tuuraa, waxaana laga hagayaa dhulka.

Wardoonka Ciidamadanka sirta ah ee CIA ayaa si weyn u isticmaala, waxaa kale oo isticmaala dalal kale sida Ingiriiska. qiimaha diyaaradahani midkiiba waa lacag u dhaxeysa $35,000 oo sameyntooda ah marka la isku geeyana qalabeynta guud waxay ku kaceysaa $250,000 Dollar.

Marka laga soo gudbo diyaaradahaasi yaryar ee wax basaasa, waxaa kale oo jira kuwo la mid ah balse kaga duwan xambaarista gantaalaha wax gumaada, kuwaasi oo Mareykanka la bartilmaameedsaday Hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Qaacida iyo Daalibaan, qaarkoodna kaga guuleystay inuu ku gaaro danihii uu ka lahaa. waxaana ugu danbeeyay Abuu Yaxye Al-Libi oo ahaa kuxigeenkii Hoggaamiyihii Al-qaacida iyo 14 dagaalyahan oo kale dhamaantoodna ahaayeen ilaaladiisa.

Diyaaradaha Drones-ka waxaa loogu talagalay iney si gaadmo ah u disho iyadoo bartilmaameedsaneyso horjoogayaasha muhiimka ah iyo canaasiirta kale ee Al-qaacida, kuwaasi oo qorshaha yahay inaan laga cafin qaarijin. Sidaas darteed qorshihii laga lahaana waxaa uu hirgalay sanadkii la soo saaray ee 2004-kii oo gaadmadii ugu horeeyay ee diyaaradahaas waxaa lala beegsaday koox Al-qaacida ah oo ku dhex milan Qabaa’ilka dega Gobolka  Waziiristan.

14 May 2005: Gaadmadii Labaad ee ay geysato ayaa noqday mid lala beegsaday Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-qaacida oo la dhihi jiray Haitham al-Yemeni iyo labo kale oo caawiyeyaasha ka tirsanaa xili ay ku dhuumaaleysanayeen Waqooyiga gobolka Waziristan.

Gaadmada ugu badan ee diyaaradaha wax basaasa iyo kuwa gantaalaha xambaarsan waxaa loo adeegsaday in lagu bartilmaameedsado horjoogayaasha Al-qaacida ee ka howlgalo dalalka Soomaaliya Afghanistan, Pakistaan iyo Yeman.

Xubnaha la bartilmaameedsaday Waxaa ku jiray dad si aad ah loo raad raadinayay sida Bilaal Al-Barjaawi oo ka tirsan Hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida ee Geeska Afrika iyada oo lagu qaarajiyay duleedka Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan.sidoo kale gaadmada qaarajinta ah waxay saameysay xubno kale udub dhexaad u ahaa isku xerka Al-qaacida iyo Al-Shabaab.

Mareykanka wuxuu is hordhigay inuu xidida u siibo Shabakadda isku xeran ee Argagixisada caalamiga ah, iyada oo lala kaashanaayo dowladaha aduunka, taasi waxay qeyb ka noqotay qorshe weyn oo dunida meel ugu soo wada jeesaneyso sidii loo ciribtiri lahaa Al-qaacida, sidaas darteed Mareykanka wuxuu ku bixiyaa iyadoo tixgelinayo amaanka qarankiisa dhaqaale badan, hub, saanad iyo tababar loo fidiyo wadamada safka hore kaga jira la dagaalanka argagixisada.

Todobaadkii hore Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka waxay socod dheer ku martay wadamada Bariga iyo bartamaha Afrika,  ujeedada safarkeedana waxaa kow ka ahaa la dagaalanka loogu jiro argagixisada Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. waxay taageero  siisay AMISOM, iyadoo lagu xoojiyay awoodeeda diyaaradahaasi Droneska loo yaqaan.

Dhawaan Qaramada Midoobay waxay shaacisay warbixin ku wajahan qatarta diyaaradaha Droneska ku hayaan diyaaradaha rayidka, waxaana la sheegay shilal soo wajahi lahaa diyaaradaha xamuulka ah ee hawada Soomaaliya ku jira gaar ahaan ka duula garoonka diyaaradaha Muqdisho. Warbixinta waxay muujisay cabsida laga qabo diyaaradahaasi waxyeelada ay keeni karaan in ay saameyn karto dadka shacabka ah sidii ka dhacday xero barakacayaal ahi degan yihiin, inkastoo khasaare geysan.

Dowladda Mareykanka, ummadaha madoobay iyo Dowladda soo socoto ee Soomaaliya, waxaa saaran mas;uuliyad ah sidii loo kala hagi lahaa diyaaaradaha Droneska iyo kuwa kale ee rayidka ah kolkey hawada ku jiraan. Waa inuu jiraa qorshe iskaashi ah iyo iska war qab marka la isticmaalayo adeegsiga diyaaradaha gaadmada ee iyaga is wada.

Waxaa isku xermay qorshaha amaan ee dunida oo dhan, diyaaradahaasna waxay qeyb ka yihiin waajibaadka caalamiga ah ee lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka Argagixisada ee waxyeelada ku ah shacuubta dadyowga adduunka gaar ahaan kuwa mandiqada geeska afrika iyo amaanka Qaranka Mareykanka.

Halkan waxaa ka muuqda Inta weerar ee diyaaradaha Mareykanka ka geysteen Dalalka Afghanistaan, Pakistaan iyo Yeman.

Sanadka:            Weerar:     dhimasho ugu yaraan                    Dhimasho ugu badnaan:

2004                  1                                  4                                                    5
2005                 2                                   6                                                   7
2006                 2                                 23                                                  23
2007                4                                  56                                                  77
2008              33                               274                                                314
2009             53                                369                                               725
2010           118                                607                                                 993
2011              70                                378                                                 536
2012             28                                 162                                                  207
Total            311 1,                           879                                                2,887

 

Ali Muhiaddin Ali
Taladiina, amaanta iyo dhaliisho ku soo dir Emailkan: Muxiyaddiin@hotmail.com

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 9 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...