Video:Yuusuf Garaad oo faah faahin ka bixiyay ujeedadiisa

Madaxii Idaacadda Laanta afka Soomaaliga BBC Yuusuf Garaad oo maalin ka hor iska casilay shaqadii uu ka hayay idaacaddaasi ayaa ka waramay ujeedada uu ugu tegay shaqada, isagoo wareysigiisa ku sheegay in hadii ay ku dhalato inuu isku sharxo Madaxtinimada Soomaaliya uu wax badan ka qaban doono xaalada dalka gaar ahaan dib u heshiisiinta, la dagaalanka takoorka, kor u qaadista xaquuqda haweenka iyo kuwa la liido.

Yuusuf Garaad wuxuu ka hadlay taariikhda Warbaahin ee noloshiisa soo martay, wixii uu soo qabtay iyo waxyaabihii uu la kulmay mudadii uu shaqeynayay BBC, dhaliil iyo amaan, isagoo meesha ka saaray in cadaadis dhinaca madaxda BBC ugu yimid uu isku casilay.

Wareysigani oo uu siiyay TV-ga Universal halkan ka daawo:

6 Comments

  1. Mohamed Omer says:

    Yusuf saaxiibkayga gaarka ah waxaan ka xumahay in uu ummadda Soomaaliyeed u sheego oo uu ku dhiirado runta dhabta ah (si geesinimo ah) oo ah in laga cayriyey BBC London.

  2. Qaran doon says:

    Dhacdooyinka soomaliya ka dhacaya bilihii u dmbeeyey waa dhacdooyin taariikhda gali doona oo in badan la xasuusan doono, Yusuf garaad waa la yaqaannaa taariikhdiisa waan nin aad iyo aad ugu dheer qabyaaladda iyo kala fogaynta ummadda soomaliyeed waxaan taas lagu bartay intii uu ahaa madaxa laanta BBcda, waxaa uu leeyahay waxaan ka qayb qaadanayaa dib u dhiska dalkayga saw maxasuusto yuusuF markii la dhiseyey dawladda TFG ee cato ee u ku soo bacay Md abdullaahi yuususf dagaalkii u galay ee uu ka abaabulay idaacaddda BBcda dhexdeeda uu uu ga,aansaday in uu afka dhulka u galiya dawladaan laakinn nassiib wanaag dadaal ay ummadda soomaliyeed iyo wadaniyiin soomaliyeed ay gaysteen maanta halkaan la soo gaarsiiyey dawladii TFG ee uu yuussuf garaad sidii la ogaa ula dagaalamay, maantana waxaa uu ka raadinayaa xil uu ka qabto, waa in uu u sheegaa wixii iska badelay yuusuf oo uu maanta u rabo nuu ku biiri shalayna uu ula dirirayey, jawaabta haddii aan aniga ku hormaro waxay ahay waxaa uu nebcaa Md abdullahaahi yuusuf. waxaa halkaas ka cad in uu yusuf yahay nin qabyaaladda ku dheer. mana astaahilo in uu dib dambe ummaddaan ugu adeego waxaana uu ka mid yahay hoggaamiye kooxeed yadii loo diiday xataa in ay soo galaam baar lamaanka isagana waa in aan loo ogolaan in meel ka soo galo maamuka dwladaan. yuusuf waxaa uu ka mid yahay dadka ku eedeysan in ay si bareer ah uga qayb qaateen dagaaladii qabiilka ku dhisnaa ee ka dhacay daleenna waana dambiile dagaal waxaana uu ka mid yahay dadka ugu horreeya ee ka soo or muuqan doono maxkammadda ICC. waxaana dhihi karnaa uma qalmo in uu xitaa ku hamiyo in uu jago ka qabto dalkaan.

  3. A'isha Ali says:

    Abdullahi Yusuf iyo TFG-giisa xabashida ku soo dhistay Mbegathi, Kenya waxay ahaayeen musiibadii ugu xumeyd ee Qaran Soomaaliyeed la soo gudboonaado. Ethiopian in Xamar ilaa koofurta dalka ka taliso waxay qorshe lagu tirtiraayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Abdullahi waxa Madaxweyne- maqaarsaar ah, dabadhilif ah ka dhigay Meles Zenawi, si danaha Istratijiiga Amxaarada u fuliyo. Qof kasta oo Soomaali ah, damiir leh, waddani ah waxay ahayd inay ka hortagto shirqoolkaas ina Yeey lagu fulinaayay. Laakin markii dantii laga lahaa laga gaaray, Amxaaradu waa la ogaa halka ay dhigtay Abdullahi Yusuf iyo Mohamed Dheere,

    Yusuf Garaad wuxuu ahaa suxufi Soomaaliyeed ee madax ka ah Laanta Af-Somaliga ee BBC, oo ah hey’ad warbaahineed ee dhexdhexaad ah, caalamina ah. Ma awoodi karo siduu rabo inuu warka u sheego, mana aheyn wuxuu ka shaqeynaayay Idaacad Soomaaliyeed. BBC-du waxay markaas iyo haddaba Soomaaliya ka soo gudbinay warar xaqiiq ah, dhab ah, dhexdhexaadna ah. Yusuf waa nin shaqadiisa iyo xirfaddiisa journalisamada ah ka adag, cidna aan ku dhaliili karin, cidnana aanu uga heybeysaneynin. Haddana Somalia wuxuu u imaanayaa inuu dalkiisa u shaqeeyo, ka qayb-qaato dib u dhiska iyo markay haboonaato talada wadanka.

  4. catoosh says:

    GUUUUUUUUUUL YUUSUF

  5. Yusuf cina kama heybeysanayo in uu jago kaqabto somalia wana uu uqalma sida lawada ogyahay waa nin qali ku ah umada somaliy viva yusuf garaad

  6. Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood wadanka somalia aysan wax xaq ah kulahaan…..lakiin sidaas sikaduwan ayuu muqdisho kula kulmayaa ee ah in mooryaanta iyo galmudug/galgadud degen xamar waxbo ka aheen. Isaga laftigiisa wuu ogyahay in eeysan xataa caalamka magaca habargidir qalin cas kuqortay. Most wanted tribe “habargidir”.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.