Madaxweyne Shariif oo kala diraya Baarlamaanka Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu maanta kala diro xildhibaannada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 550-xubnood, kuwaasi oo waqtigooda sii dhamaanayo.
Madaxweynaha ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmaya dublamaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna kala hadlayaa arrimaha siyaasadeed iyo xiliga la gelayo ee kala guurka.
Madaxweynaha ayaa arintan kala hadlay sharciyaqaanada Qaranka, taasoo awood u siineysa in marka ay soo dhowaato xiliga baarlamaanka ku eg yahay inuu ku kala diro, waxaana lagu wadaa in qodobo ku aadan Dastuurka cusub iyo kan Axdigii KMG u isticmaalo awoodiisa uu ku kala dirayo, inkastoo uu horay u laalay qodobo ka mid aha Axdigii Mbgathi lagu soo dajiyay.
sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Xaflad lagu qabanayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya Madaxweynuhu kaga dhawaaqayaa kala dirista Baarlamaankii hore, isagoo ka hadli doona marxaladihii kala duwanaa ee baarlamaanka soo maray iyo kan hada dhalan doono ee ka kooban 275 Mudane.
Xubnaha ka mid noqonaya Baarlamanaaka cusub ayaa weli muran uu ka taagan yahay, waxaana jira khilafyo u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed qaabkii ay u qeybsan lahaayeen iyo faragelin ay ka cabanayaan odayaasha dhaqanka oo awood loo siiyay iney soo xulaan.
Email: warfaafiye@gmail.com
