CED-Som
|

Riyadii Bashiir C.Xuseen: Somaliya oo looga dhawaaqay dowlad cusub

Idaacadda ayaa laga sii daayay war xiisa loo qabay oo sanooyin badan la wada sugayay. Warku wuxuu ahaa mid siyaasadeed, wuxuuna weriyaha akhbaarta  daadihinaya uu sheegayay hoggaan cusub oo Soomaaliya looga dhawaaqay, isla markaana wuxuu akhrinayay liiska magacyada madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo golaha xukuumadda cusub ee aan ku meel gaarka aheyn, isla markaana aan ku saleysneyn saami qeybsigii ahaa afar iyo bar 4.5.

Haddaba liisku wuxuu u qornaa sidatan :-

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Prf: Axmed Muumin Warfaa.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Drs:- Edna Aadan Ismaaciil.

Golaha guud ee xukuumadda.

1.Wasiirka wasaaradda Maaliyadda.

Prf.-Aweys Muunye Malaaq.

2.Wasiirka arrimaha dibadda.

Prf:- Axmed Ismaaciil Samatar.

3.Wasiirka Gaashaan dhigga.

Dr:- Maxamed C/llaahi ( Farmaajo).

4.Wasiirka arrimaha gudaha:-

Avv:- Cumar Dhageey.

5.Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Dr. Yuusuf Garaad Cumar.

6.Wasiirka wasaaradda caafimaadka.

Drs:- Xaawo Cabdi.

7.Wasiirka shaqada isboortiga iyo dhallinyarada.

Dr:- Saciid Jaamac Qoorsheel.

8.Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Dr: Axmed Saciid Kaarshe.

9.Wasiirka, howlaha guud iyo guriyeynta.

Drs:- Maryan Cariif Qaasim.

10.Wasiirka boostaha iyo isgaarsiinta.

Dr:- Cabdi xaashi C/llaahi.

11.Wasiirka beeraha iyo xanaaneynta xoolaha.

Dr:- C/llaahi Xasan Mahdi.

12.Wasiirka garsoorka iyo caddaaladda.

Dr:- Ibraahiim Dusuqi.

13.Wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga.

Dr:- Maye Sheekh Abbanuur.

14.Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka.

Dr:- C/salaan sheekh Xuseen.

15.Wasiirka wasaaradda horumarinta haweenka.

Drs:- Maryan Xuseen Maxamed ( Awreeye ).

16.  Wasiirka Diinta iyo awqaafta.

Sheekh Cusmaan Usuuli.

Markii aan akhrinta liiska halkaa sii marinayo, ayaan hurdadii haf ka soo iri sariirtana ka soo booday, illeyn dhab ma aheyne waan riyoonayay!!!.

Bashiir. C. Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 7 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...