CED-Som
|

Mareykanka & doorashooyinka xiliga kala guurka Soomaaliya

Mareykanka wuxuu il gooni ah ku hayaa la dagaalanka argagixisada, taasoo ugu muhiimsan danaha uu mandaqada ka leeyay.

Madaxda Gobolka ,sida Males Zenawi, Ismacil Cumar Geelle iyo Yuweri Musafeni ayaa waxay yihiin kuwo mid kasta xiriir gooni ah la leh Dowladda Mareykanka, dano la xariira la dagaalanka argagixisada oo Al-Shabaab ka mid tahay.

Mareykanka waa maalgeliyaha ugu weyn, Dowladdahaaasina ka kaalmeeya kobaca dhaqaalaha iyo awoodaha difaac, saanad iyo hub ayuu ku taakuleeyaa howlgalaada looga soo horjeedo la dagaalanka argagixisada oo qeyb ka noqotay iskaashiga xariirka caalamiga ah ee dowladdaha.

Mareykanka Madaxdaas kalsooni weyn ayuu ku qabaa, xariir fiicana waa la leeyahay, dhinaca Soomaaliyana waxaa jira Sheekh Shariif inuu xariir dahsoon la leeyahay oo aan weli shaaca laga qaadin, waxayna ku saabsan tahay iskaashi in laga yeesho in Soomaaliya aysan noqon hoy Al-Qaacido ka fal gasho.

Al-Shabaab in laga xoreeyo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho ayaa waxay sii xoojisay Saaxiibnimada shaqsiga ee Mareykanku la leeyahay Sh. Shariif Sh. Axmed taasoo la heer ah xiriirka Mareykanka kala dhaxeeyo Madaxda kale ee Gobolka.

Kulankii magaalada Nairobi todobaadkan ku dhex maray Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka iyo xubnaha saxiixayaasha ismagacaabay ayaa waxyaabihii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in eedo dhanka maasuq maasuqa ah qaban waayay madaxda Soomaaliyeed ee lagu soo bandhigay guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay iyo in Dowladda Mareykanka mar kale ku booriso Hoggaamiyeyaasha Soomaalida inaan la masuq maasuqin kaalmooyinka caalamiga ah iyo habka doorashada.

Waaxaas oo dhan marka loo kuurgalo waxay muujinayaan astaamo ah in Mareykanku la dhacsan yahay hoggaaminta Sheekh Shariif, sida Axmed Karazayga Afghanistan oo asna eedo masuq maasuq qaban waayeen xiligii doorashooyinka wadankiisa ka socdeen iyo Nuuri Al-maalikaga Ciraaq oo isna lagu soo saaray doorasho looga tanaasulay kadib markii ay soo baxday inuusan ku guuleysan doonin.

Musharaxiin uu ka mid yahay Cabdiweli Gaas oo afkiisa laga maqal inuu musharax yahay ayaan loo heyn wax daliil ah inuu xariir dhow la leeyahay wadanka uu jansiyadiisa heysto ee Mareykanka. wuxuu Ra’iisul Wasaarenimada ku yimid awood qeybsiga 4.5 iyo isagoo markii hore ka mid noqday golihii wasiirada Farmaajo.

Cabdiweli ayaa xilkiisa Ra; iisul Wasaarenimada weyn doona is sharaxaadiisa kadib hadii uu guuleysan waayo, waxaana loo maleynayaa inuu dib ugu noqon doono Puffalo isaga iyo marwadiisa oo ololaha u heyso.

Marka la tixgeliyo doorashadii hore ee Sheekh Shariif ku yimid xukunka ayaa waxaa la aaminsan yahay iney ku timid taageerada Mareykanka, si loo kala saaro Wadaadada Minditiinta xagjirka ah iyo kuwa Moderati-ka.

Waxaa hada socda doorashadii looga gudbiyay xiliga kala guurka si loo helo dowlad dastuuri ah mudada afarta sano ee soo socoto.

Yaa hoggaamin doona? dadka arrimaha siyaasadda iyo xaalada Soomaaliya u kuurgala waxay adaroosayaan rajooyinka ay qabi karaan dadka u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif wuxuu safka hore kaga jiraa suuragalnimada dadka guuleysan kara. Hadii shaaca laga qaado xiriir kalsooni ku dhisan inuu la leeyahay Mareykanka weyba iska cadahay inuu mar labaad kusoo noqonaya awoodii dalka Sh. Shariif Sh.Axmed.

Ali Muhiaddin Ali

Wixii amaan iyo dhaliil ah kusoo dir Muxiyaddiin@hotmail.com

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 7 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

5 Comments for “Mareykanka & doorashooyinka xiliga kala guurka Soomaaliya”

  1. Markahore ilah kacabsada murtad waxba manoqon karo

  2. Walaa bani aadanka lama xakhiro madaxweyne shariif waxa uuw khabtay citna daah kama saarna ilah ha u awaal gudo ilhna 2 marlawat haku soo celiyo

  3. alla ha sahlo Amuuraha

  4. Asc
    Ha ku mashquulina kan iyo keer ee maxaa idiin xala soomaaliyeey,
    Mase waxaa Nagu soo noqotay maahmaahdii aan carabta ku dhihi Jirnay oo ahayd { SOMALI WAXAY KU HESHIISAY INAANAY IS FAHMIN}.

  5. To——–rita.

    laysma xaqiro qofna waxqbdkisa lama qariyo. Cidkasta manta way ogtahy inu sh.shrf yahy mdxweyne wadani ah odalka wax uqbtay wana lasodoran mar 2Ad hanourable sh.sharif wayo umada somaliyed iyo cidamada dalka xoga somaliyed atagersn wxna iskacad rita inad tahay alshapapka an dhagaha kapapiney alshapap doni mayn0 markaykan atiriye yuhudna hanaga cawiso cidhbtirka alshapap wnkuqancsany,

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...