Qormo:Fadqalalada Faroole oo far dheeratay ku ah xiliga kala guurka

Xubnaha iskood isu magacaabay ee saxiixayaasha Road Mapka ayaa kulankoodii ugu danbeeyay ee Nairobi ku kala qeybsamay, waxaana soo dhex galay damacyo siyaasadeed iyo loolan awoodeed ee lagu kala aragti duwan yahay.

Gaas iyo Faroole ayaa la yimid isbaheysi beeleed oo ay rabaan iney xukunka dalka ku gaaraan, laakiin loo maleynayo isku haleyntooda iney ku saleysan yahay kaliya taageerada xubnaha Baarlamaanka ku soo geli doona magaca beeshooda.

Waxaa is hor taagan odayaasha dhaqanka ee Gobolada deegaanada bari iyo Faroole oo ay isku heystaan qaabka xulitaanka xildhibaanada cusub. waxaa moodaa Faroole inuu isu heysto maamul beeleedkiisa inuu yahay isha awooda u leh iney soo xulaan Xildhibaanada dhankooda ka imaanaya, taasoo khilaafsan heshiisyadii hore ee Garoowe1 iyo Garoowe2 lagu gaaray, kaasoo qeexaya odayaasha dhaqanka iney sharciyan yihiin kuwa mas’uulka ka ah xulitaanka mudanayaasha cusub.

Shakiga iyo fadqalalada la gelinaayo habsami u socodka Roadmapka ee xiliga kala guurka waxay kasoo jeedaan dhaqamo hore. Marka dib loo fiiriyo dhaqamadaas waxay sawir ka bixinayaan xusuusyo taariikheed kuna saabsan xiligii kala guurka ee midnimada iyo xorriyadda  Soomaaliya ku qaadaneysay. Siyaasiyiin u jahwareersan sida Faroole iskuna beel yihiin ayaa waqtigaasi isku dayay iney ka horyimaadaan Midnimada iyo Jamhuuriyada dhalaneysa, kadib markii ay ka dhex aqrisan waayeen ajande iyo damacyo siyaasadeed oo ay lahaayeen.

Waxay isku dayeen in xiliga Gobonimada dib loo dhigo, xukunka gumeysigana sidiisa ahaado, taasoo suurageli weyday, taariikhdaas mid la mid ah ayaa hada Faroole iyo Gaas danihii Qaranka ku badalanayaan damacyo qabiileed iyo ajandooyin siyaasadeed oo ay wadamo shisheeye wakiil looga yahay, gaar ahaan kuwa deriska.

Faroole Labo bil ka hor wuxuu isku dayay inuu carqaladeeyo wada hadalkii Madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo, hadii ay dhabowdo midnimada Soomaaliya, Faroole iyo inta la fikirka ah waxay ka dagaalamayaan Muqdisho iyo Hargeysa Kow iyo Labo iney kala noqdaan marka ay timaado awood qeybsiga Dowladeed ee dib u heshiisiinta lagu mideynayo Soomaaliya.

Waxay dad badan ka xun yihiin siyaasadaha iyo loolanka socda inuu Axmed Maxamed Caalim fahmi waayo kuna qaldamay inuu daadihiyo hoggaan uusan u bisleyn, kadib markuu iska raacay la tashi la’aan hadafyada Faroole.

Ka maqnaanshaha loolankaasi Galmudug waxay Faroole u saamaxday inuu Kubadda dhinacoow doono u tuuro, laakiin goolasha uu la haleeli la yahay, sababtoo ah sumcad xumada uu ku leeyahay mujtamaca Soomaaliyeed dhexdiisa.

Intii la isku qaban qaabinayay kulankii Hillary Clinton, Faroole wuxuu hawada gashaday inuu gooni faqo Xoghayaha arrimaha dibada ee Dowladda Mareykanka. yacni heerka mastawaha dowlad weyn oo la kulmeysa deegaan ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaan ku jirin xushmada hab maamuuska Dowliga ah, Faroole oo maqaamkiisa ku qaldaya iney ka weyn tahay tii Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo nidaamka dowliga ah intaba, sidaas darteed ilaa hada waxaa la la’yahay siyaasi Soomaaliyeed oo fahmi kara aragtiyada xeerarka ka baxsan ee Faroole ku dhaqmaya.

Warfaafiye ayey gaar u tahay Faaladan.

10 Comments

  1. zaki says:

    war ninkaan faroole ee qabyaalada dilootay yaa inaga qabta,

  2. dhimbil says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxb ragii xiligii xoriyada somalia dhaliyey waxay ahayen faroole reerkisa ragii talyaani raacayna waxay ahaayen hawiye waligana waxad ahayd gumaysi raac mida aad leedahay hadii isaaq iyo hawiye isracan meesha faroole wax uma yaalan waxad ogata hawiye iyo isaaq waxaa ka dhulweyn beesha faroole mida kale waxan ku sheegaya somalia aan reerka faroole wadin masocon doonto mida aad leedahay hadii galmudug joogi lahayd faroole meesha kama qayliyen waar galmudug waa 200 oo guri oo gaalkacyo kaga taala bariga shalayna aniga ayaa gaalkacyo ka raray kadibna iyaga oo kabaha afka ku sita ayan gaalkacyo soo dajiyey

  3. Geele says:

    Majeerteenku Talyaaniga Hablaha ayay ugayn jireen.
    Sida uu sheegay buugiisa Sargaal sare oo ahaa Engriis.Markii ay Enriisgu Talayaaniga ka qabsadeen kuunfurta Somalia,ayuu gobolada bariga tagay sargaalkaasi.Suldaanka Majeerteenka ayaa ayaa ku casuumay gabadh aad u da’a yar,oo ka soo jeeda qoyskiisa.Ma doonayo inaan shego magaceeda iyo kii aabaheed laakin Sargaalkaasi wuu sheegay xataa ninka ay u doonanayd ooahaa qabilka la yidhaa cali saleeban. Swirkeeda ayaa xataa buuga ku yaal.Sargaalkaasi ayaa loo badalay Kismaayo,gabadhii yarayd doon ayaa lagag daba geeyay oo isaga oo jooga kismaayo ayaa logu keenay.Sargaalkaasi wuxu yidhi ,yaabkkii ayaa iga dhmaaday,doontii ayaanan dib u saaray.Sargaakaasi oo aqoon u lahaa Somaliga woqooyiga wuxu ku sheegay majeerteenka qoomiyad ka dhaqan duwamn Somalidii u yaqaanay.

  4. puntish says:

    bismillah, horta lama yaabani qofka waxan qoray lama yaabani waayo dadku maangaab wey yeelan karaan,qof careysan oo markaa isago careysan gaf wuu ka dhici karaa laakin waxan la yaabanahay website ka somaliweyn ma website qabaailka lagu caayo baa? ma website bukaan ah baa? koley hadday dad nadiif ah yihin wax umada kala dili kara ma so geliyeen ee dood nadiif ah bay soo gelin lahaayeen.qof ka qoray waxakan talo ayan siin lahaa sxbow qof muslim ah baa tahay,bil ramadan baa lagu jiraa,hadalada gafka ah ama caadifadu ku jirto ilaahay wuu kaa xaarantinimeeyey ee ha baneysan ilaahna ka cabso wax la isku waniyo oo ka wanaagsan ma jiraane.anigu mj baan ahay walahi wax dembi ahna kuuma haysto waayo wax weyn kama aadan hadal wadan dhan baynu bur buriney oo manta daleeshaas yaal ee sidii aynu wax uga bedeli lahayn fikir ku sabsan keen,sidi aad umada is nacday oo kala tagtay isug imaan lahayd keen wax dadka caqliga leh kaa dhegeystaan keen dalkana anfaca adigana adun iyo aakhiroba ku anfaca.wixi khalad ah cafwan

  5. ahmed says:

    kan leew website kaan qabiil baa dilaya cuduur basaa ku hayaa yaa ka qabyalaad badaan hawiiye wa kuwaan ku heshiin laah casiimadoodi ee aduunku la yabay lamiyadaa haar caad diir diirtay siida foosha xuun isu dilaya darood iyo isaaqi dhuul bay dhisteen 20 sanoo maxad aduu haysata afrikanki ba ka yabay ee ugu caqliga xuma inaad ka liidato bal day

  6. Gaani says:

    Waa Cajaaib in dhalin yaro Soomaliyeed oo xalal ku dhalatay ay iska caayan aalad ayasn iyagu samayan waxaa taas ka siidarn in la caayayo awooweyaal boqolalsano mootan ALAH U NAXARIISTO WAALIDIINTI UMADDA SOOMALIYEED OODHAN, Siyaasdu Sidaas ma ah Shaqsi difaacu ma ah in uu inala galo Cay walidiin, Tan kale ma aha in la Caayo madaxda dalka Ninkii Beyjas ku bilaabay in uu fikir qaladan kasawiro Madaxwayne C/raxman Shiikh Maxamad Maxamud Faroole iyo Kii aflagado damcay in uu ku difaaco Dhamantiin Alle u toobad keena Watalo walal islam soomalayed ah

  7. farah says:

    somaliwey hawshiina Waala Galaa

  8. muwadin says:

    Asc, warya raginan reer putland hadad faroole ka hari weydan baal madow ayu idinka galinaya tarikhda somalia inkasto kuwi ka horeyayba ay galiyen, ina qeyb didna wakan u yimid galmudug galkacyo ma qeyb samidonto 1sac kuma qadaneyso farujinta xafada ad kadag tahin galkacyo, mahad sanid qoraga faladan hawiye iyo isaq wey is af garten.

  9. Ahmed says:

    asc
    Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina.

    Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya aqoon darada, diin la`aanta iyo qabiilnimada dadka isku sheega saxaafada Soomaaliya. Waxaad keliya oo aad faa`iido hesheen waa in cay la is dhaafsado.
    21 sano ka dib weli qabiil ayaa laga hadlayaa iyo cid baan xun ama fiican. Tan keliya ee duliga looga bixi karo waa in la midoobo laga xishoodo qabiilka qalbiga degey.

  10. Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida
    Waxaad ilawdeen ramadaantiinii
    waxaan idiin soo gudbin talo

    kawaan tooba cayda qabyaalada hadaan soomaali nahay inaga ayaa is dulaynay qofba qof ayuu caynayaa faroole waa madaxwayne waxaana aaminsan ama uu mas’uul ka
    yahay umada uu xukumo qofkuusan xukumin wuxuu ugu soo gudbaa waa qalad

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.