Daawo ay ragga ugu hortagaan in ay uur qaado lamaantooda oo helay
Maxaa haweenka oo kaliya ku koobey in ay xakameeyaan qaadista uurka ? Waa su,aasha keentey in la sameeyo cilmibaaris lagu raadinaayo qaab ay raga ku xakameyn karaan qaadista uurka lamaanahooda iyagoo aanan isticmaaleynin cinjirka galmada ee Condom-ka.
Cilmibaariyaal caafimaad oo shiinees ah oo ay horkacayso Professor Christine Wang ayaa bilaawey in ay baaraan qaabka loo heli karo daawooyin loogu hortagayo uurka oo raga ay isticmaalayaan si la mid daawooyinka dumarka ay isticmaalaan, waxaana ay soo saareen daawo hoos u dhigeyso awooda shahwada raga uu soo saaro marka uu galmoonayo ama aysanba ka imaan wax shahwad ah taas oo macnaheeda ay tahay in aysanba jirineynin wax shahwad ah oo bacriminaya ugxanta haweenka, sidaas darteedna aysan wax caruur ah aysan ka abuurmeynin halkaas.
Cilmibaaristaan oo lagu tijaabiyey 99 nin oo isticmaalayey muda lix bilood ah ayaa 78 ka mid ah raggaasi aysanba ka imaan wax shahwad, mana jirin wax dhib caafimaad ah oo ay u geysatey, inta daawada ay jirkaada ku jirto ayaa waxaa hoos u dhacaya awooda shahwada oo aanan gaareynin heerkii ay wax ku bacrimin kartey ama maba kaa imaaneyso, hadii ay kaa baxdana sidaadii hore ayaad ku noqoneysaa sidaasi waxaa sheegey Dr Wang iyo kooxdeeda.
Waxa ay intaasi ku dareen in daawadaan ay ku guuleysteen la iskuna haleyn karo 99 boqolkiiba ay, hadana waxa ay ku howlan yihiin sidii ay u sii hormarin lahaayeen oo ay doonayaan in ay ka dhigaan kaniini afka laga qaato si la mid ah kaniiniyada ay dumarka afka ka isticmaalaan.
Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegey in hada kadib ay raga dhinac ka qaadan doonaan masuuliyada qorshaha qoysaskooda ee ku aadan dhinaca caruurta halkii markii hore ay isku haleyn jireen qofka kale ama lamaantooda, waxaana rajeynaynaa in si wada jir ah ay u qaataan masuuliyada oo labada dhinacba ay fursad u helayaan in ay xamakeeyaan ilmaha ka dhex dhalan kara marka aysan diyaar u aheyn.
By Abdullahi Jama
Fogaan Arag News.
Email: warfaafiye@gmail.com
