CED-Som
|

Muranka shirka saxiixayaasha Road Map-ka & Shariifka oo ka baxay

Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saakay shirka Saxiixayaasha qorshaha hirgelinta RoadMap-ka ugu furmay hotelka ay ka degan yihiin Nairobi, shirku wuxuu ku bilowday buuq iyo eedeymo Madaxda dhexdooda ah.

Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sh. Axmed ayaa shirka isaga baxay kadib markii Madaxweynaha Puntland iyo Ra’ iisul Wasaaraha DKMG ay kasoo dib dhaceen shirka, iyo eedeymo kale oo dhexdooda ah.

Madaxweyne Shariif ayaa shirka si deg deg ah ugu soo baxay, isayoo laga soo celiyay garoonka diyaaradaha oo uu doonayay inuu dib ugu soo laabto Muqdisho, hase ahaatee lagu soo celiyay shirka.

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’ iisul Wasaare Gaas oo kasoo wada jeeda hal Beel, waxay Jimcihii hal diyaarad ay kasoo wada raaceen magaalada Garoowe oo kulan saacad ah ku qaateen, waxaa sidoo kale safarkaas ku wehlisay Saado Cali.

Shaki badan ayaa wuxuu dhaliyay kulankaasi ay wada yeesheen Faroole iyo Gaas, xili Ra’iisul Wasaaraha laga sugayay inuu toos ugu duulo Nairobi hase ahaatee si deg deg kusii maray Nairobi.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 5 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Muranka shirka saxiixayaasha Road Map-ka & Shariifka oo ka baxay”

  1. shariifka maalin kaste waxaa uu la shiraa asxaabtiisa aalasheeq yaa ka carooda, midda kale maxaa diidaya in ay wada shiraan gaas iyo faroole, waa syaasad xumo aan micno badan ku fadhiyin in uu iska xanaaqo madaxweynha laga sugeyey inuu u dhexeeye tobanka milyan ee qof ee soomalida ah, shirkii ayuu ka baxay shariifka in la yiraahdo oo meediyaha laga sheego shariifka waxay la noqotay in ay wanaag u soo kor dhinayso laakiin lama ah in ay keenayso sumacad xumo ay ka fahanto beesha caalamka iy in loo arko in aan dabci iyo isku soo jiidid midna lahayn, waxaana loo arkayaa in ay habboontahay in uu ka hor dhaqaaqo ummadda somaaliyeed iyo beesha caalamka si loo helo hoggaamiye ku habboo soomaaliya.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...