CED-Som
|

Mo Farah oo bilay magacii Zamzam iyo Maxamed “Sawiro+Video”

Moh Farah oo Soomaali asal ah laakiin hada British ah ayaa magaca dalkiisa wuxuu ku qaaday bilada dahabka ee orodka 10.000 ee Miter,ciyaar caawa ka dhacday garoonka Olombikada Stratford stadium ee magaalada Londan.

Malaayiin dad ah oo ku kala firirssan dunida oo dhan ayaa daawaneysay markuu xiin ku dhaafay Orodyahanada Itoobiyaanka ah iyo midka Mareykanka iyagoo u jirsaday masaafo ilbiriqsiyo dhowr ah ee lagu xisaabiyo tartamada orodka.

Inkastoo Mo Farah ay u tahay tartankii ugu horeeyay ee uu Olombikada uu ka qeybgalo ayaa hadana wuxuu mar labaad jabshay  Orodyahanka reer Itoobiya   Tariku Bekele oo dhowr jeer ku guuleystay bilada dahabka 10.000 Miter.

Mo Farah hada ka hor wuxuu Beijing kaga guuleystay Tariku Bekele oo rigoorkii uu hayay kaga qaaday  dalka shiinaha ciyaar ku xisaabsaneyd tartan caalami ah.

Mo Farah wuxuu bilada dahabka ku qaaday 27 daqiiqo 30.42, kaalinta labaad ee bilada qalinka waxaa ku guuleystay orodyahan Galen Rupp oo u tartamayay dalka Mareykanka, kaalinta Sadaxaad ee bilada Maarta ah waxaa qoorta loo suray Tariku Bekele oo magaca Itoobiya ku tartamayay.

Orodyahan Mo Farah wuxuu kaloo bilay magaca Soomaaliyeed iyo magaca walaalihiis Zamzam iyo Maxamed.


Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 5 2012. Filed under Arrimaha Bulashada, Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Comments for “Mo Farah oo bilay magacii Zamzam iyo Maxamed “Sawiro+Video””

  1. Maansha Allaah Muxammad Faarax.Cadawgaagu ha jabo.Laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa in uu xiran yahay Funaanad uu ku masawiran yahay Calanka soomaaliya.Muxammad baa u qeyb qaaday Zam-Zam iyo wiilkii kale ee ka yimid Xamar.

  2. hambalyo hambalyo walaalka somaaliyeed ee guushii ugu horaysay iyo tii ugu danbaysayba u soo hooyey ingiriiska waxaan ku leehay allah ha kuu barakeeyo xoogaaga mahamed faarah waxaanan kuu rajaynayaa in aad ku dadaashid dhaqankaaga diintaad iyo dadkaaga in aad wanaajiso xaga diintana ku darso walaalkayga muslimka ahaw

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...