Eedihii Masuq maasuqa oo qaban waayay Madaxda Soomaalida
Kulankii ku dhex maray magaalada Nairobi shalay galab Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton iyo xubnihii saxiixayayaasha hirgelinta RoadMap-ka ayaa waxaa kasoo baxay labo qodob oo waaweyn.
Qodobka Koowaad wuxuu ku saabsan yahay, Madaxda waqtigooda hada sii dhamaanaya inaan saameyn doonin eedihii kasoo baxay kooxda goobjoogayaasha ee Qaramada Midoobay, taasoo ku saabsan kaalmadii maaliyadeed ee la masuq maasuqay iyo dakhliga gudaha.
Qodobka Labaad Dowladda Mareykanka waxay sii xoojin doontaa xiriirka iyo wada shaqeynta Dowladda cusub ee soo socota.
Kulankaasi kadib Mss. Clinton waxay Saxaafadda horteeda ka cadeysay in loo baahan yahay Dowladda imaan doonta Agoosto 20-keeda kadib, iney noqon doonin mid masuq maasuqda hantida Ummada iyo in ay noqoto mid soo bandhigta Maamul wanaag iyo Dimoqraadiyad. Waxay ka digtay inaan la faragelin ama la masuq maasuqin xubnaha Baarlamaanka ee soo socda doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.
Bishii July 31-keeda waxaa lagu waday Golaha Amaanka inuu dood ka yeesho warbixintii Guddiga Goob joogayaasha Qaramada Midoobay ee la socodka aarrimaha Soomaaliya iyo Erateriya ayaa dib loo dhigay Kulanka Hilary Clinton ay la yeelan laheyd Madaxda Soomaalida darteed.
Dowladda Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxay hada ka hor soo dhoweeyeen warbixinta guddigaas.
