CED-Som
|

Madaxweyne Sh. Shariif oo sheegay inuusan soo caroon “Saswiro”

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo uu wehliyo xubinta Ahlu Sunna ee ka mid ah saxiixayaasha qariidada nabada ee Roadmap ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaraddaha Muqdisho, waxaana soo dhoweynta ka qeyb qaatay xubnaha dowladda ka tirsan, dadweyne iyo kooxda muusikada baambeyda.

Madaxweynaha ayaa kasoo baxay shirka saxiixayaasha maanta ay ku lahaayeen magaalada Nairobi kadib markii muran uu ka dhashay qodobo xasaasi ah oo ku saabsan wax ka badalka guddiga farsamada ee xulitaanka Xildhibaanada iyo qaabka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, taasi oo Afhayeenka Baarlamaanka uu ku dhegan yahay in midda Madaxweynaha la soo hor mariyo.

Waxaa kaloo lagu  kala aragti duwan yahay qaabka kariteeriyada loo hab raacayo ilaha laga soo xulayo baarlamaanka, halka C/raxmaan Faroole ku dhegan yahay in isaga lagala tashado xildhibaanada ku imaanaya magaca Khaatuma. sidoo kale waxaa jira fikir uu soo bandhigay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay taasoo ku saabsan in Sadaxda nin ee ugu sareeya DKMG ay ku midoobaan hal musharax.

Kulankii lagu qaban lahaa Hotelka Madaxweyne Shariif ka degan yahay magaalada Nairobi ayaa waxaa kaasoo caga jiiday iney yimadaan Ra’iisul Wasaare Gaas iyo C/raxmaan Faroole, iyagoo sheegay iney meel kale ku leeyihiin shir iyaga gaar u ah, taasoo keentay in la xushmeyn waayo ka qeybgalkii kulankii Road map-ka.

Laakiin Madaxweyne Shariif oo wariyeyaasha la hadlayay wuxuu iska fogeeyay in uu isagaa soo baxay shirka, hase ahaatee Saxiixayaasha waqtigooda sii dhamaanayo ay sii wadayaan dhameystirka qorshaha nabada.Wax kaloo faah faahin ah ma bixin Madadxweynaha.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 5 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...