AMISOM oo qorsheysay iney isu furto Muqdisho & Kismaayo “Sawiro”
Ciidamada AMISOM ayaa ku wajahan xarunta Gobolka Sh/Hoose, kadib markii ay la wareegeen goobo muhiim istiraatiiji ah oo ay ka mid tahay Garoonka diyaaradaha No.50, iyo deegaanka No 60 oo marta wado gasha magaalada Marka.
Col. Muhanga oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada AMISOM ee la wareegay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wuxuu sheegay Sarkaalkan in ujeedadooda ay tahay sidii ay u xoreyn lahaayeen deegaanada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Sh/Hoose, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsaha badan ay gacantooda u gelin lahaayeen xarunta Gobolka Sh/Hoose oo ah meel ay ku xooggan yihiin Shabaab saldhiyo muhiim ahna ay ku leeyihiin.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM qorshahooda yahay in ay qabtaan ka hor inta aan la gaarin bisha Agoosto magaalada Kismaayo iskuna furaan Muqdisho iyo Jubbooyinka.




