CED-Som
|

Caalim oo ka qeyb galay kulankii lala yeeshay Hillary Clinton

Madaxweynihii Galmudug ee xilka laga qaaday isagoo maqan ayaa shalay galab wuxuu ka dhex muuqday kulankii saxiixayaashii la yeesheen Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton. Axmed Maxamed Caalim oo hada xil heyn ayaa saaxiibadii waxay ku soo dhoweeyeen inuu ka qeybgalo kulankaasi isagoo weliba loo tirinayo inuu yahay bukaan socod, xili dhawna maray qaliin dhanka wadnaha ah.

Axmed Maxamed Caalim wuxuu xilka ku waayay isagoo mudo Lix bil ah ka maqnaa Galmudug, xil gudasho la’aan iyo isagoo isu dhiibay inuu fuliyo danaha Itoobiyo iyo maamulka Faroole, taasoo shacbiga Galmudug ku aheyd bahdil iyo meel ka dhac.

Caalim waxaa kaloo lagu eedeeyaa mararka uu ka qeybgeli jiray kulamada saxiixayaasha yeeshaan inuu xilkiisa ku madali waayay  deegaano badan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo  weli maamulo madala aan sameysan. halka Faroole uu ku andacoodo inuu madalo deegaano ka tirsan Khaatumo.

Shacbiga Galmudug, kuwa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxay kula talinayaan Madaxweynaha cusub in hoggaamintiisa la beegsado sixitaanka qaladaadkii Axmed Maxamed Caalim.

Howsha sugeysa Madaxweyne Cabdi Qeybdiid waxay tahay inuu maamulkiisa ku fidiyo isla markaana ka shaqeeyo danaha iyo amaanka deegaanada ballaaran ee goboladaasi.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 5 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...