CED-Som
|

Hawiye oo qeybsan la xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in beelaha hawiye qaarkood, qeybihii kasoo gaaray xubnaha Baarlamaanka soo socda ayaa weli la qeybsan, doodo iyo murano hareeyay daraatood.

Beelaha waaweyn sida Mudullood iyo Madarkicis tiro ahaan isku jirkooda waxaa soo gaaray 31 xubnood, halka Mudulood ay ka heleen tiradaas 16 Xildhibaan, Madarkicisna 15., warku wuxuu intaas ku darayaa in Beesha Muddullood ay weli madaxa iskula jiraan.

Todonada Jilib ee Beesha Mudullood ka koban tahay Afar ka mid ah ayaa waxaa loo qoondeeyay Min Sadax Xildhibaan iney kala qaataan, halka Sadaxda kale ay ka helayaan Min Hal Xubin. Xubinta 16-aad Odayaasha ayaa dib u dhigay.

Jilibka Wacbuudhan Abgaal ayaa waxay weydiisteen Beesha Mudulood in xubinta 16-aad iyaga loogu kordhayo, taasi oo dhalisay in Jilibyada kale qaarkood iyagana damac la mid ah taas iney gasho, sidaas darteed waxaa suuragal ah in lagu heshiin waayo mudada kama danbeysta ah oo maanta loo qabtay iney ku soo gudbiyaan beelaha Soomaaliyeed.

Dhanka kale Beelaha kale ee Hiraab ayaa sida Maxamuud Hiraab iyo Martiile ayaa weli iyagana magacyada soo gudbin khilaaf la sheegayo in dhexdooda uu ka jiro.

Beesha Murasade oo Todobo Xubnood soo gaaray ayaa Lix ka mid ah la qeybsaday halka midka harsan Muran xoog leh ka taagan yahay cida la siin lahaa.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 5 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...