CED-Som
|

Maxay ka wada hadleen Clinton iyo Madaxda Soomaalida

(BBCSomali)-Xoghaya arrimaha debadda ee Maraykanka, Hilary Clinton, ayaa magaalada Nairobi kula kulantay saxiixayaasha Roadmap ee Somalia.

Hilary Clinton, shir albaabadu u xidhan yihiin ayay la yeelatay madaxd ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, afhayeenka baarlamaanka Shariif Hassan, iyo ra’iisalwasaaraha Abdiweli AliĀ Gaas.

Clinton waxay sheegtay inay ku qanacsan tahay ilaa hadda heerarka ay marayaan isbedellada laga wado Somalia, gaar ahaanna ansixinta dastuurka ku-meel-gaadhka ah, waxayna intaasi ku dartay in dawladda Maraykanku ay gacan ka geysan doonto dedaallada ku saabsan wax-ka-bedelka xaaladaha Somalia iyo sidii nabad waarta iyo deganaansho loo heli lahaa.

Madaxweynaha Somalia, Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, oo isna shir jaraaid qabtay, waxa uu sheegay inay uga warrameen Hilary Clinton xaaladaha Somalia iyo arrimaha siyaasadduba halka ay marayaan haatan iyo hawlihii dawladda TFG ay waddey ee ay culayska saartay, iyo sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro oo laga gudbo xilliga ku-meel-gaadhka ah. Waxay kale oo madaxeynuhu uu beeniyey eedaymaha ku saabsan in dawladdiisu ay faragelin ku hayso soo-xulashada mudanayaasha baarlamaanka cusub iyo shirka magaalada Muqdishu ee ergooyinka.

Hilary Clinton Waxay waqtigaasi ka hor la kulantay Madaxda dalka Kenya oo ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal, in la qabto doorashooyin xaq ah oo xalaal ah kenya dhexdeeda, iyo gaar ahaan deganaanshaha gobolka iyo la-dagaallanka argagixisada. Waxay kale oo ay soo qaadeen ahmiyadda hawlgallada ciidamada nabad-ilaalinta ee Amisom ee Somalia iyo kaalinta Kenya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 4 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...