CED-Som
|

Al-Shabaab oo laga qabsaday garoon diyaaradeed

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwo AMISOM ayaa maanta la wareegay garoonka diyaaradaha Lambar 50 iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma dulle) Taliyaha guud ee howlgallada ciidamada Dowladda KMG ah ahna Afhayeenka ciidamada ayaa u sheegay Raadiyaha Dowladda KMG ah in ciidamadu ay saakay si buuxda ula wareegeen deegaannada Muuri, garoonki diyaaradaha Lambar 50, Saliini, ilaa Lambar 60, kadib markii ciidamada XDS oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay waaberigii saaka ka dhaqaaqeen deegaanka Laanta buuro oo ay horay ula wareegeen ciidamadu.

Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalka saakay ciidamadu wax qasaare ah soo gaarin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, wuxuuna sheegay inaysan ciidamadu la kulmin wax iska caabin ah, wuxuuna sheegay in kooxihii ay ugu tageen meeshii ay tageen ay iska carareen , isagoo sheegay inay haatan deegaandaasi ay ka taliyaan Ciidamada Dowladda KMG ah.

Gacma dulle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Marka oo xarun u ah Gobolka Sh/Hoose, isagoo intaa ku daaray in howlgalkii saakay gacan weyn ka geysteen shacabka ku nool deegaannadii ay ciidamadu saakay la wareegeen.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 4 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...