Ajakis oo wel wel soo wajahay,kadib geeradii Marshaale “Sawiro”
Majaajiliistaha caanka ku ah qosolka iyo maada badan ee Cabdi Muriidi oo loo yaqaan Ajakis ayaa soo food saartay cabsi iyo wel wel badan, geeradii saaxiibkiis Marshaale kadib oo ay ahaayen labo Majaajiliiste isku dhow.
Ajakis ayaa u sheegay Wariyaheena Muqdisho in xaalada aysan sidii hore aheyn, wixii hada ka danbeeyana uu aad u koontorooli doono u socdaalka meelaha qaar, inkastoo uu xusay in waqtiga la dhimanayo aysan cidna dib u dhigi karin.
“Flight-ka wuu soo wareegtay, wariyeyaashii ayaa laga soo leexiyay, fannaaniintii ayaa lagu soo leexiyay, waa u jeediin, meel gal, anaga hadaan nahay fannaaniin waa wadeynaa shaqadeena” ayuu yiri Ajakis oo laga dareemayay sida uu ugu xun yahay geerida saaxiibkiis ku timid taasoo uu ku tilmaamay mowto fajo.
“Dowladda weligeed waa ha tiraahdo waa baareynaa, anagana waa wadeynaa shaqada” ayuu yiri Cabdi Muriidi Ajakis oo ku eedeeyay dowladda KMG in ay dayacday amaanka dadka Soomaaliyeed ee birima geydada ah.

Ajakis oo ka murugeysan geerida saaxiibkiis Marshaale 
