CED-Som
|

Odayaasha Daarood oo dacwo ka gudbiyay faragelinta Faroole

Odayaasha dhaqanka Puntland iyo Guud ahaan Beesha Daarood oo warqad dacwo ah u gudbiyay beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey.

Warar aan ka helnay ilo wargal ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka beesha Daarood ee ka qayb galaya shirka ka socdo magaalada Muqdisho ay warqado dacwo ah u gudbiyay Xafiiska Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNPOS) iyo wakiilada beesha Caalamka ee arimaha Soomaaliya, warqadahaas oo ay uga dacwoonayaa faragalinta iyo caga jugleynta uu ku hayo Faroole iyo Wiilashiisa (Uduy & Qusey).

Duubab dhaqameedyadaan ayaa waxay si cad warqadooda ugu sheegeen inay soo xuli doonaan xildhibaano tayo leh oo matali kara beelaha ay Boqorada. Isimada,Garaadyada iyo Suldaanada u yihiin,islamarkaana umadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu shaqeyn kara wadanimo leh walaalnimo Soomaaliyeed,kuwaasoo aan rajeynayaan inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya loo samatabixin lahaa.

Waxay beesha caalamka ugu baaqeen inay baaris ku sameyso dhaqdhaqaaqyada iyo lunsashada hantida maatida Soomaaliya loogu soo dhiibo masuuliyiinta Soomaaliyeed kuwa sheeganaya ee dhawaan lagu sheegay warbixintii ka soo baxdey gudiga baarista musuqmaasuqa arimaha Soomaaliya.

Odey Dhaqameedyadaan isku fikirka ah ayaa waxaa la rumaysan yahey inay mar hore qaateen go’aamo dhaxal gal ah kadib markii hanqaltaagii Faroole Garoowe 1 & 2 ay dibada soo dhigeen qorax joogto uu ka soo aruursadey suuqa, kuwaasoo uu rabay inuu ka dhigi duubab u soo xula dad aan matali karin umadda Soomaaliyeed,taasoo markii dambe Raisal wasaaraha Dowlada Soomaaliya uu ka soo horjeestey qidadii u watey duqa magaalada Garoowe.

Faroole ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay sidii isaga iyo wiilashiisa xoolo uga sameysan lahaayeen gobalada Puntland ee Soomaaliya,islamarkaana dadka ka soo horjeeda u maleegayay shirqoolo sida suxufiyiinta , siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka,kadib markii ay ka biyo diideen qaabka ay ku shaqeeyaan isaga iyo wiilashiisa.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Aug 1 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...