Dowladda Nethetland oo go’aan ka gaartay Qaxootiga Soomaaliyeed
Qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda dhan tahay 8o ayaa nolol xumo ku heysataa wadanka Holland, kadib markii dacwadooda wax laga qaban waayay, kuwaasi oo 24 saac ee lasoo dhaafay ku hor bannaanbaxayay iridka laga galo xafiiska Hey’adda qaabilsan Qaxootiga ee IND ay ku leedahay Den Bosch.
Wasaarada ku shaqada leh socdaalka dadka soo galootiga oo 80-kaas qof kula hadleysay iridka laga xafiiska laga bixiyo sharciyada ayaa u sheegtay in ay dib ugu laabtaan kaamamkii ay ka yimaadeen, isla markaana go’aanka Wasaaradda Qaxootiga aysan waxba iska badalin go’aankeeda ku aadan dib u celinta Qaxootiga, hadalkaasi oo Qaxootiga Soomaaliyeed niyad jabb kasii qaadeen.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Qaxootiga oo dadkaasi la hadlayay ayaa u sheegay in wax isbadal ah aysan soo kordhineyn cabashadooda, ayna haboon tahay iney sharciga ilaaliyaan.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo hor jiiftay iridka xafiiska sharci bixinta
Dadkan ayaa ka cabanaya Nolol xumo iyo qaabka loola dhaqmo oo ay sheegeen in si qof maxbuus oo kale ay ula dhaqanto Dowladda Holland, iyadoo aysan jirin xaquuqda uu leeyahay qofka Qaxootiga ah.
Go,aan maalmo ka hor ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka Holland ayaa waxaa loogu ogolaaday dadka Soomaaliyeed in aan xabsiyada lagu sii heyn karin, isla markaana dib loogu celin karin dalkooda maadaama xaaladda Soomaaliya ay tahay mid aan caga badan ku taaneyn.
