Cod aqlabiyad leh oo lagu ansixiyay Dastuurka qabyo qoraalka
Ergooyinka shirka ansixinta dastuurka ayaa cod aqlabiyad leh ku codeeyay Dastuurkii ay u fadhiyeen maalmahan, waxaana ka hadlay Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah.
C/raxmaan Xoosh Jabriil wuxuu sheegay in ergooyinka ay si geesinimo lleh ay u ansixiyeen ugana mira dhaliyeen wixii ay maalmahan u fadhiyeen, waxaana uu cadeeyay in dastuurka uu si KMG ah ku shaqeynayo ilaa afti dadweyne looga qaado, mudo afar sano ah kadib.
96% ayaa la ansixiyay dastuurka, waxaana xarunta shirka durbadiiba booqday Ra’iisul Wasaare Gaas iyo xubnahiisa Wasiirada si uu u saxiixo natiijada kasoo baxday shirka ansixinta dastuurka.
ka hor inta aan la ansixin Dastuurka waxaa ergada ay la qalqaleen qaraxyo ismiidaamin ah oo saakay lagu soo weeraray meel u dhow xarunta shirka, kaasoo ay fashiliyeen ciidamada amaanka shirka sugayay.
Email: warfaafiye@gmail.com
