Madaxweynaha Uganda oo uga digay dadkiisa in ay isa-salaamaan
Madaxwaynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa dadwaynaha reer Uganda uga digay in ay isa salaamaan amaba jidhkoodu is taabtaan ka dib markii la cadeeyey in Viruska dilaaga ah ee Ebola uu hal ruux ku dilay caasimada dalkaasi ee Kampala.
Ilaa 14 qof ayaa ku dhintay inta laga war qabo tan iyo markii uu cudurkani ka dilaacay galbeedka Uganda saddex todobaad ka hor, sida laga sheegay warbaahinta.
Ebola waxa uu ka mid yahay cudurada ugu xun dunida kaasi oo ku faafa taabashada jidhku is taabtaan, cudurkanina waxa uu dilayaa boqolkiiba 90% dadka uu ku dhoco.
Madaxwayne Museveni waxa uu sheegay in dhamaan masuuliyiinta caafimaadku ay baadhitaan ku sameeyeen qofkasta oo uu asiibo viruskani kuna ilaaiyaan meel gooni ah si aanu u qabadsiin dadwaynaha kale.
Waxaa dadwaynaha looga digayaa inay is gacan qaadaan, is dhunkadaan, wada galmoodaan, si la iskaga difaaco fiditaanka xanuunkan.
Madawaynuhu waxa uu sheegay in qofkii ugu horeeyey ee xanuunkan uu asiibtay uu ahaa qof dumar ah oo xaamilo ah, ka dibna waxuu faafay wakhtigii la aasayay.
Uganda waxa uu ka dilaacay viruskan Ebola saddex jeer labo iyo tobankii sanadood ee ugu dambeeyey, wakhtigii dadka ugu badani ay ku dhinteena waxa uu ahaa sanadkii 2000, ka dib markii 425 qof ay qaadeen cudurkan, in ka badan kala badh dadkaasina ay u geeriyoodeen xanuunkaasi.
Wax dawo ah oo ilaa hada loo hayaa viruskan Ebola ma jirto, astaamaha lagu gartana waxa ka mid ah xumad si daran kuu qabata, tamar daro, madax xanuun, matag iyo kalyo xanuun.
Mohamed Omar Abdillahi
awdal12@yahoo.com
Kampala, Uganda.
Source: http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-19048998
