Majaajiliista Marshaale oo lagu dilay Muqdisho
Kooxo Hubeysan ayaa galabta toogasho ku dileen Majaaliistaha caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq oo loo yaqaanay Marshaale, xili fadhiyay meel u dhow gurigiisa oo ku yaal degmada Waaberi.
Kooxaha ka danbeeyay dilka Marshaale ayaa goobta ka baxsadeen, waxayne dad goob joogayaal ah sheegay in Labo nin oo dhalinyaro ah, kuna hubeysnaayeen bostoolado ay la dhaceen dhowr xabadood oo dhaawac halis ah kasoo gaaray, wuxuuna ku dhintay isbitaalka Madiina oo loola cararay dhaawaciisa.
Allaha u naxariistee Marxuum Marshaale ayaa dhaawac ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina, markii dhowr xabadood ay hubiyeen kooxihii hubeysnaa.
Cabdi Jaylaani Malaaq (Marshaale), wuxuu caan ku ahaa sheekooyinka qosolka iyo ruwaayadaha, isagoo ka howlgalayay Taleefashinka Universal xafiiska Magaalada Muqdisho, sidoo kale Idaacadda Bar-Kulan oo barnaamijka tartanka Ramadaanka wax ka daadihin jiray.
Lama oga sababta ka danbeysa in la toogto Cabdi Jeylaani Malaaq oo loo yaqiin Marshaale, laakiin wuxuu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee saxafiyiinta iyo dadka caanka ah loo geysanayo.

Halkan ka Daawo Sheeko uu qeyb ka jilayo Marshaale oo ka hadleyso soonka.
Email: warfaafiye@gmail.com
