Ergada shirka oo diidan in Haweenka qabtaan xilalka sare ee dalka
Waxaa maalintii Todobaad galay shirweynaha lagu ansaxinayo Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelan doona, kaasoo marxalado kala duwan soo maray.
Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Ergada shirka inta badan qodobadii dooda ka taagnaa ay isla garteen balse tan ay xiligan ka doodayaan ay tahay in Haweenku aysan qaban karin xilalka sare taasina waxa uu ku macneeyay aragti qaldan, oo loo baahan yahay in laga gudbo. Waxayna ergada ay diidan yihiin in qodobkaasi sida uu yahay lagu ansixiyo.
Waxaa uu sheegay wasiirka in howlaha dastuurka ay marayaan meel gabagabo ah isla markaana ergada ay isu qeybiyeen gudiyo dhowr ah, kuwasoo si hufan uga shaqeynaya buu yiri howlaha Dastuurka.
C/raxmaan Xoosh Jabriil wuxuu sheegay in beri la ansaxin doono Dastuurka, maalinta ku xigtana la sameyn doono xafladii lagu soo gabagabeynayay Dastuurka.
Waxaa kaloo uu sheegay Wasiirka in lagu saleyn doono xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee soo socda qaabkii Mbighati, tasoo uu tilmaamay inay tahay dalab ka yimid odayaasha dhaqanka laguna tixgeliyay dalabkooda.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Wasaaradda dastuurka iyo dibu hishiisiinta Xukuumadda KMG Soomaaliya wuxuu sheegay inuu rajeynayo in wax waliba ay ku dhamaan doonaan waqtigii looga tala galay maadaama buu yiri uusa jirin hada wax muran oo hada taagan.
Email: warfaafiye@gmail.com
