CED-Som
|

Dowladda oo beenisay iney dalka joogaan ciidamada Ingiriis ah

Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliyeed ayaa beenisay in ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku suganyihiin qeybo ka mid ah dalka Soomaliya.

Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gaashandhigga ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war u qoray mid ka mid ah wageysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska kaas oo sheegay in ciidamo ka socda Ingiriiska ay ku sugan yihiiin gudaha dalka Somalia.Wasiirka Gaashaandhiga ayaa cadeeyay inaysan dalka joogin ciidamo ka socda dalka Ingiriiska, balse waxa uu cadeeyay inay dalka joogaan la taliyayaal meleteri ah oo ka socda Ingiriiska.

“Waxaan u maleynayaa in is faham daro uu dhacay, ma jirto Ciidan halkan jooga, waa tababariyaal taageeraya Ciidamada AMISOM, waxaa la yaabay sida The Times iyo kuwa kale aniga i dhaheen waa la socdaa”ayuu yiri Wasiirka oo xusay in hadii ay jiri laheyd arrintaas ay shir jaraa’id ka qaban lahaayeen sida uu yiri.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ayaa sheegay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaareen howlgallada dalka looga xorreeynaya kooxaha Al-Shabaab.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 31 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

1 Comment for “Dowladda oo beenisay iney dalka joogaan ciidamada Ingiriis ah”

  1. Cadceed soo baxayso calaacul ma qariso. Sawirkani waa mid aan caddayn cidna uga baahnaynin.Idinka
    waad inkiri kartaan, waxaase yaraan doonto inta idin rumaysato
    Soomaaliyeey: carruurtiina ka ilaashada ciidamada shisheeye oo dhaqanxumida ku caan baxay..

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...