Hooyo Sadax Mataano ah ku dhashay Buulo Burde “Daawo”
Hooyo Fartuun Axmed Raage ayaa tuulada Sagaal Geed oo ka tirsan degmada Buule Burde ee Gobolka Hiiraan ku umushay Mataano Sadax caruur ah, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay.
Qoyskani ayaa farxad gelisay Mataanaha Sadaxda ah ee ku soo kordhay, iyadoo dadka deegaanka ay u daawasho tageen si ay u soo arkaan caruurtaani wada dhashay.
Guddoomiyaha Ururka Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas ayaa isna ku booqday Tuulada Sagaal Geed, wuxuuna ugu deeqay Lacag dhan 100 $ Dollar iyo cuno raashin ah, wuxuuna ugu hambalyeeyay dhalashada Sadaxdaasi caruur ee kusoo kordhay Qoyskaasi Soomaaliyeed.
Haweenka Soomaaliyeed inta badan aad ay u yar tahay iney dhalaan Mataano ka badan Labo Caruur ah, inkastoo mararka qaar ay dhacdo in ay dhalaan ugu badnaan Afar waase 2.5%.
Email: warfaafiye@gmail.com
