TV-Aljazeera oo bahdil ku sameysay Ciyaartooyda iyo calanka Israel
Saxaafadda Carabta ayaa mucaaraday Markii ay ciyaartooyda dalka Israel oo calankooda wata ay soo galayeen tartanka Olombikada adduunka ee London 2012, kadib markii Milyuumaad adduunka ka daawanayay xafladda furitaanka uu wariyaha Aljazeera u sheegay in ay Israel istaahilin in calankooda halkaasi lasoo marsiiyo.
Qaar kale oo saxaafadda Carabta iyo kuwa adduunka ka mid ah ayaa iyagana aamusay oo ka gaabsaday inay ka faaloodaan markii calanka yahuudda lasoo hormarsiiyay indhaha Caalamka ayagoo ku banaanbaxsanaa calanka Israel.
Xafladda oo laga tabinayay kanaalada idaacadda la iska arko ee Aljazeera ee Caalamiga ah ayaa waxaa ay labadooda Wariye ee Yousef Saif iyo Islam Shawali ay isku raaceen inay caawa Israel istaahilin meeshaan in calankooda la soo marsiiyo taasoo aad uga careysiisay Yahuudda.
Qaar la mid ahaa idaacada reer galbeedka ayaa iyagu xusay markii ay soo marayeen Israel inay 40 sano kasoo wareegatay xiligii ay Maliishiyaadka Falastiin ay laayeen ciyaartooydii Israel ugu soo qebgalay sanadkaas oo lagu qabanayay magaalada Frankfurt waxaana ay Israel ciyaartooyda gacan haatinayeen si kal iyo laab ah iyagoo jeebabka ay ka laaladsadeen safaleeti ama maro yar oo madow oo ku maamusayeen ciyaartooydii Olombikada ee afartan sano laga laayay .
Waxaa sidoo kale ciyaartooyda qaranka Lubnaan ay diideen inay isku goob ku tababartaan kuwa Israel oo iyagu isku meel ay ku jimicsanayeen kahor inta la bilaabin ciyaaraha, waxaana ay Lubnaaniiyiintu sheegeen inay Yahuuddu yahiin kuwa laaya dadkooda aysan ciyaaraha nabaddana ku heshiineyn.
Jilaa.com
info@jilaa.com

Haddii ay Yahuudu lalmiyaan Calankooda maxaa shido ah oo ku jira?Wadankasta xor buu u yahay kor u qaadista calankiisa.Carab haddii ay wax tarayso waxaa u yaal hawlo badan oo wada qabyo ah.Isla markaas wakhtigaan dawladaha Carbeed hadalkooda iyo magacooduba qeymo ma leh.