CED-Som
|

Video: Lamaane Indhooleyaal ah oo ku aqal galay Hargeysa

Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo Hoodo Maxamed Deegaan oo ah Lamaane dhinaca Lixaadka indhaha la ayaa ku aqal galay magaalada Haargeysa ee xarunta Somaliland, waxaana kasoo qebgalay munaasabada arooskooda Boqalaal dadweyne oo xiiseynayay.

Arooskan oo noqday mid Taariikhi ah, waxaana dadkii kasoo qeybgalay ay sheegeen in uu ahaa arooskii ugu cajiibsanaa ee ka dhaca Hargeysa.

Hooda Maxamed Deegaan oo ka hadlaysay dareenkeeda ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay aqalgalka gacaliyaheeda, isla markaana caashaqooda uu ku yimid dareenka bulshada caadiga ah mid la mid ah.

“Waxaan isku baranay anagoo midba qof wado ayaa is jiirnay, dabadeedna, walaal waa indha la ahay ee raali ahow iyo walaal ana sidoo kale raali ahow, sidaas ayaa isku baranay” ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Yuusuf isagoo sheegay in markaasi uu dareemayay dhibaato iyadana sidoo kale dhibaato la mid ah ay dareemeysay.

Hoodo waxay sheegtay in mudo Hal sano ah ay wada socdeen, sheekadoodana ay soo gabagabowday 28-ka bishan oo ay ku aqal galeen magaalada Hargeysa.

Dadweynihii kasoo qeybgalay ayaa aad ugu farxay aqalgalkan, waxayna ugu duceeyeen in nuurka indhahooda illaahey dib ugu soo celiyo.

Waa guurkii ugu yaabka badnaa ee ka dhaca guud ahaan dalka Soomaaliya, horayna qisadan oo kale uguma dhicin dalka Soomaaliya.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 29 2012. Filed under Arrimaha Bulashada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...