Murashaxoow Hadaad Guuleysato Maxaa Ku Horyaal?

 (Maxaa Ka Taqaan Waaya Aragnimada Murashaxiinta)

Saddex toddobaad ayaa ka harsan xiliga doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, oo la filayo in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Ku dhawaad 50 Musharax ayaa u taagan iney ka qeybgalaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka.

Murashaxiinta loolanka ugu jira hoggaanka dalka, intooda badan waa kuwo ka tegay wadamada Waqooyiga Ameerika iyo Yurub, qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Murashaxiinta qaar ayaa dantooda tahay inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac.

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Waxaa la arkayaa kuwo ku dhisan qaabka qabiliga ah ee aan soo dhaafin dalalka reer-galbeedka ee qaxootiga Soomaaliyeed ceyr ku noolka ahi daggan yihiin, waxqabadkoodana ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka Jaaliyadaha kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka ah. Waxay kuwaasi yihiin kuwo haba-yaraatee aan dalka gudahiisa laga aqoon, oo hadda bilaabay iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan, qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Way dhici karta inay jiraan ururo ama axsaab haddii si dhab ah loo rogrogo baranaamijyadooda, lagu qanci karomaabdi’dooda siyaasadeed iyo ahdaafta ay gudbinayaan marka lagu dhereriyo sida guul looga gaari karo marxaladaha dalka ka jira iyo duruufaha ku hareysan arrimaha aminga iyo midnimada qaranka, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo xurmo-siinta xuquuqda dadka muwaadaniyiinta ah.

Laakin waxaa ka horimaan kara mushkilad la xiriira xagga aqoonsiga sharcinimada, sababtoo ah, lixda nin ee saxiixayaasha iskood isku magacaabay oo iyaga qudhoodaaba aan lahayn sharciyad iyo kalsoonida shacabka ayaanba ka fekerin inuu jiro karo axsaab ama ururo u baahan in la diiwaangeliyo. Intaas inay sameeyaan iska daayee, xataa waxay baa’biyeen heyaddii dastuuriga ee sharci dejinta ee awoodda u lahaan lahayd kala saarista axsaabta iyo gaar ahaan, kuwa mudan in la diiwaangeliyo ama lahaadaan xuquuq sharciyeed.

Todobaadkii hore waxaa ka qeybgalay kulan lagu qabtay magaalada Amsterdam, kaasoo ujeedadiisa ahaa ololeynta musharaxa Xisbiga Hiil Qaran, waxaana xubnihii kasoo qeybgalay kula hadlayay Xoghayaha Xisbigaasi Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo walaalkiis Axmed Ismaaciil u taagan in Xisbiga Hiil Qaran ugu qeybgalo tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay Ololaha doorasho ee dalka iyo Baarlamaanka cusub ee la filayo in uu doorto Madaxweynaha mustaqbalka, khudbadiisa marka lasoo koobo ujeedadeeda waxay aheyd masuq maasuq iyo sed bursi ay ku dhaqmaan Xildhibaanada Soomaaliyeed, wuxuu soo qaatay taariikh dheer oo dhex martay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Aadan Cabdulle iyo Xildhibaanada, kuna saabsaneed ololaha doorasho ee xiligaasi.

Prof. Cabdi Ismaaciil wuxuu yiri “1960-kii Xildhibaanadii Baarlamaan ee shacabka matalayay, waxay damceen iney mushaaraadka kororsadaan xili shacabka ay dhibaateysnaayeen, laakiin Madaxweyne Aadan Cabdulle ayaa horjoogsaday, maanta yaa naga hor joogsanayo, dadka maanta masaakiinta raashinkii loogu soo talagalay afkooda kala soo baxaya, ee jeebkooda gashanaya, mabda Hiil Qaran waxa weeye in dadka afka wax loo geliyo, loona ogolaado iney noolaadaan, wax kalena hadaan loo tareyn edeb ha yeeshaan kuwa dowladda haaya”.Prof. Cabdi Ismaaciil wuxuu sheegay in Xisbigiisa maanta ay haboon tahay in la doorto.

Haddii aan soo qaato qaar kooban oo tusaale ah, Axsaabta iyo murashaxiinta la is dhihi karo waa u bisil yihiin xagga hoggaanka dalka, marka loo fiiriyo dhanka waayo aragnimada iyo hufnaanta, iyada oo dhici karto qaar kale oo macquul ah dhanka tayada inay jiri karaan, ayaan waxaa lagama maarmaan ah sida ay ila tahay in aan faallo ka bixiyo kuwa aan wax ka ogahay taariikhadooda, sida, : -

Mohamed Abdullahi Farmaajo: -Murashaxa Tayo, muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaasadeed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiyaddiisa heysto, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay. Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu xilka ku waayay, marka uu la soo baxay siyaasado waddaniyad ku dhisan, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo muujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha.

C/raxmaan Cabdullahi “Baadiyow”: -Waa aqoonyahan, ikhwaanu Muslamiin ah, qaybta Al-islaax. Laakin wuxuu ku sifeysan yahay soomaalinimo iyo u gargaare masaakiinta iyo kuwa noloshooda aan is-bixin karin, wuxuu muqdisho ka furay sagaashameeyadii ilaa hada xarumo nafaqeyn, laguna daweeyo dadka la nool Cudurada qaaxada “TB”. Sannadkii 2000 wuxuu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay dowladdii Carte ee Jabuuti lagu soo dhisay. Wuxuu wax ka hirgeliyay Jaamacadda Muqdisho oo ah mid ka mid tiirarka ugu waaweyn ee tacliinta sare, ahna Jaamacadda ugu ballaaran ee Soomaaliya ka jira. Dalka inta uusan burburin, wuxuu ahaa, injineer iyo sarkaal ciidan ee XDS. Wuxuu wax ku bartay Somalia, Ex Soviet Union iyo Canada uu hadda deggan yahay, dhalashadeedana heysto.

Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil: -Wuxuu ku dhashay Mogadiscio, wuxuuna waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa dugsiga sare ku qaatay Xamar, Tacliinta Sare dalalka dibadda. Abbihii Alle ha u naxariista Yaasiin Xaaji Ismaaciil Faahiye, wuxuu ahaa Comissario-yihii ugu dambeeyay ee Mogadiscio inta aan askarta iyo kaligii taliyihii dalka la wareegin. Xaaji Mohamed Yaasiin, wuxuu u cararay Europe, gaar ahaan, dalka Talyaaniga, oo ku noolaa inta ugu badan muddadii dalka ku jiray xukunkii kaligii taliyihii Afweyne. Wuxuu ahaa mucaarad weyn ee Europe si fican looga yaqiin, wuxuuna ku jiri jiray dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ee uu kaga soo horjeeday nidaamkii amar ku taagleynta iyo xukunkii qoriga caaraddii Somalia loogu talinaayay. Kadib Xaajigu wuxuu u soo wareegay inuu dego Africa iyo Waddamo ka tirsan Khaliijka Carabta. Wuxuu mar noqday wakiilka Raabidada Caalamka Islaamka u fadhiya dalalka koofureed ee Africa, xarun deegaanna waxaa u ahayd magaalada Harare, dalka Zimbabwi. Sannadkii 2002-2004, wuxuu ka qaybqaadanayay shirarkii Mbigathi, wuxuu ka mid noqday mruashaxiintii u tartamaysay jagada Madaxwyninimada, laakiin niyad jab ayuu ka qaaday.

Abdullahi Ahmed Caddow: – Waa oday da’ ah, waayo arag siyaasadeed, dibloomaasi iyo rugcaddaa dhinaca maamulkaba ah. Xuriyadda intaan la qaadan, wuxuu ahaa sarkaal sare iyo taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada Canshuuraha, Guardia Finenze. Xuriyaddii kadibna, wuxuu noqday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyihii Bankiga Dhexe iyo Safiirka Somalia ee Washington.

Afgambigii 1969 kadib, waxaa loo cusbooneysiiyay inuu sii ahaadoo Safiika fadhiya Washington, xilkaasoo muddo dheer uu haayay, marar dhowr ahna ku soo noqonoqnaayay. 1980, wuxuu noqday xubin baarlamaan iyo wasiirka Maaliyadda. !984-85. Wuxuu ka mid ahaa guddigii Maaliyadda Qaranka, kadibna Safiirnimadii Waashington ayaa dib loogu celiyay. Wixii ka dambeeyay 1988, wuxuu ku soo noqday Xamar, waxaana loo magacaabay Wasiirka Madaxtooyada JDS ee dhinaca Siyaasadda. Burburkii kadib, wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka. Carte iyo Mbigathi, labadii jeerba wuxuu u tartamay jagada Madaxweyne-nimada waddanka, wuxuuna soo gaarayay final-kii, inkastoo uu ku haraayay dhibaco kooban.

Mohamed Nur Galal: -Waa murashax waayo araganimo qoto-dheer leh, xilal siyaasadeed iyo kuwo milatariba soo qabtay. Darajada ciidamada wuxuu ka gaaray Jeneraalnimo welibana ka mid ah kuwa Somalia uga tayada iyo aqoonta fiican leh, wuxuu ku taqasusay dhinacayda difaaca, nabadgeliyada, hoggaaminta iyo howlgelinta ciidamada.

Waxaa lagu xasuustaa Gen. Galaal dagaalkii 77 inuu ahaa taliyihii ugu muhiimsanaa aaggagii dagaalka, ciidankiisana waxay jabsheen kuwii Mingistu Haile-Mariam iyagoo soo taabtay diridhaba ilaa harawo, agagaarka Harar, inta aan Gaashaanbuurtii WARSOW, Cuba, Yaman iyo Libia soo faragelin xaaladdii dagaalka. Guushii Galaal ciidankiisu muujiyeen, waxaa si aad u dhibsanaayay Jaalle Siyaad iyo Samatar, kana horyimaadeen inuu qaato magaca guusha dagaalka iyo maamuus geesi qaran ah. Taas beddelkeedana, waxaa loo wareejiyay howlihii rayidka iyo siyaasadda.

Waxaa kadib laga dhigay General Mohamed Nur Galaal, Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud. Markii la sameeyay Golihii Shacabka sannadkii1980, waxaa loo wareejiyay dhinaca baarlamaanka, isagoo marna noqday Guddoomihii Guddiga Siyaasadda iyo mar kale oo la sii casilayna laga dhigay Xoghayihii Baarlmaanka.

August 1982, waxaana laga qaaday Gen. Galaal, xubanimadii Golihii Dhexe ee Xisbigii talada haayay. Ugu dambeyn, Markii Xamar u soo wareegtay colaadihii Afweyne dalka ka hurinaayay, General Mohamed Nur Galaal, wuxuu ahaa hoggaamiyihii ka eryay Afweyne Xamar iyo Xaruntii Villa Somalia. Generaalku dalka ugma bixin meel kale.

Madaxweyne Shariif: Wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar, sanadkii 1964-kii, waxbarashadiisana wuxuu ku dhameystay magaalada Muqdisho, magaalooyinka Khartoum iyo Tripoli ayuu ku dhameystay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isagoo shahaadada Bachelor Degree ee luuqada Carabiga iyo Juqraafiga ka qaatay Jaamacadda Aldalanj. wuxuuna Bare ka noqday dugsiyada sare ee dalka, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.

Sheekh Shariif wax khibrad siyaasadeed ma laheyn ka hor 2006-kii xiligaasi oo uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ee SII SII, aakhirkiina wuxuu u soo gudbay inuu hoggaamiyo Midowgii Maxaakiimta ee dalka la wareegay Muqdishana awood ugu saaray Qabqablayaashii dagaalka. Fursadaasi waxay SHariif u noqotay in uu maanta hoggaamiyo dalka, damac kalena kasii galo inuu mar kale u tartamo Madaxtinimada dalka.

Shariif Xasan Sh. Aadan: Guddoomiyaha Baarlamaanka waa Siyaasi mudo 8 sano gudahood ka qalin jabiyay siyaasaddaha qalafsan, is barbaryaaca iyo khilaafaadka hareeyay. , dhinaca aqoontiisa dad badan ayaa tura iyo inuusan laheyn shahaadooyin waxbarasho, laakiin dhinaca ganacsiga ayuu xariif ku ahaa, isagoo ka beec mushtara wax kasta oo danahiisa ku jira.

Cali Maxamed Geeddi:- Waa nin reer Xamar ah, ku dhashay, kuna barbaaray Mogadicio, waxbarashadiisa aasaasiga ilaa tacliinta sare wuxuu ku dhameystay Xamar, wuxuuna bartay cilmiga daaweynta Xoolaha, wuxuu kasoo jeedaa qoys caadi ah, Aabihiina wuxuu ahaa Sarkaal sare oo ciidamada nabadsugida ah.

Cali wuxuu weligii daneyn jiray arrimaha siyaasadda, inkastoo waxbarasho ka duwan heystay, hadane damac iyo fikir inuu wax noqdo kuma yareyn, laakiin burburkii kadib xaalada waxay u saamaxday inuu la saan qaado, duruufihii  wadanka ka jiray, wuxuu xiriir dhow la lahaa qaar ka mid ah ah qabqablayaashii dagaal. Wuxuu fursad ka helay Shirkii Mbigathi oo siisay in Qabqable dagaal Maxamed Dheere u baneeyay xubinnimadiisa Baarlamaanka, kadibna wuxuu ku helay magacaabistii Wasiirka Koowaad.

Wuxuu ku dhex noolaa Dowlad taag daran, oo yabooh difaac ka helayay Ciidamadii Itoobiyaanka ee dalka xoogga ku qabsaday. ugu danbeyntiina xilka wuxuu ku waayay khilaaf iyo is qabqabsi awoodeed oo kala dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynihii TFG-da.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar:- wuxuu ku dhashay Gebiley, intii uusan soo gelin Xamar horaantii Lixdameeyadii, waxbarashadiisii kusoo qaatay Camuud. shaqadii ugu horeysay wuxuu ka bilaabay Radio Muqdishu, isagoo ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu fiican, markuu warka tabinayo in la dhageysto la jecel yahay, inkastoo heysan xirfad Journalism ka hor intuusan shaqada saxaafadeed bilaabin.
1968-70-kii Waxaa loo diray BBC si uu tababar dheeri ah u soo qaato, iyadoo Laanta afka Soomaaliga warka kasoo tabin jiray, 1970-kii Xamar ayuu dib ugu soo noqday, mudo kooban ayuu Radio Muqdisho u shaqeeyay, kadibna wuxuu u wareegay inuu la shaqeeyo shirkaddii AMELCO oo aheyd shirkad Ameerikaan ah, Xamarna ka watay mashruuc biyo gelin.

Mudadaas kadib Prof. Axmed Ismaaciil wuxuu u dhoofay dalka Mareykanka oo ilaa iyo hada ku nool yahay, waxaa halkaasi ugu suuragashay inuu ku qaato waxbarashadiisa tacliinta Sare ee barashada caluunta siyaasadda iyo daraasaadka arrimaha caalamiga. wuxuu Macallin iyo hormuud ka noqday mid ka mid ah Jaamacadaha Saint Poul ee dalka Mareykanka. Mudo dheer ayuu ahaa cilmi baare iyo falan qeeya arrimaha caalamiga.

Mudooyinkii burburka Axmed wuxuu ku caan baxay inuu naqdin badan u soo jeediyo hababkii dib u heshiisiineed ee dalka ka dhacay iyo faragelinta dowladda Itoobiya. waa nin afkaartiisa dad badan ay soo dhoweeyaan, inkastoo uu ku amaanan yahay mowqifkiisa ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Damaca Axmed hada ka galay inuu u tartamo jagada Madaxweynaha ayey dad badan su’aal kasoo jeedinayaan kartida uu lahaan karo isagoo mudo 40 sano ka badan ka maqnaa wadanka.

Qofka kasta oo Musharax ah lana doorto waxaa maanta hor yaal Soomaaliya oo ah dal burbursan iyo Dowlad fashilantay, heystaan dhibaatooyin xagga amaanka iyo midnimada Qaranka.

Soomaaliya waxaa hareeyay Dagaallo sokeeye, tacadiyada qabqablayaalka dagaalka, faragelinta Dowladdaha deriska, saameynta Argagixisada caalamiga, Abaaro soo noqnoqda iyo isbadalada deegaanka ku dhacayDhinaca kalena waxay la tabaaleysan tahay karti darada, masuq maasuqa iyo caddaalad darada ee ka imaaneysay maamuladii TFG-yada kala danbeeyay, dastuurada qaldan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta wadanka oo la qaadan karin.

Beesha caalamka Soomaaliya dayacaad badan ayey ka geysatay, walow xaaladaha qaarkood ay gargaar ka sameyso, hadana ma ahan kuwo quman oo dhameystiran. Hubka faraha badan ee Soomaaliya kasoo gelaya wadamada deriska iyo kuwa Carbeed waxay sahashay in wadanka ay ka jiraan qabaa’il iyo Burcad badeed xoog badan oo aan la loodin karin, iyagoo kuwa xukunka isku koobay, iyagana dhawaanahan lagu eedeynayay iney lunsadeen qeybo ka mid ah kaalmooyinka Maaliyadeed ee Soomaaliya soo gaaray iyo in la masuq maasuqo dakhliga gudaha.

Saas darteed fariinta ku socota Murashaxa guulesta waxaa looga baahan yahay arrimahaasi aan kor ku soo sheegnay sidii xal karti leh ugu heli lahaa.

Taladiina, dhaliishiina iyo amaantiina kusoo dira Emailkan Muxiyaddiin@hotmail.com

Ali Muhiaddin Ali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Comments are closed.

Copy Protected by Chetans WP-Copyprotect.