Hala yaabin hadaad akhriso Mushaarka ay qaataan ciyaartoyda K/cagta Soomaaliya
Sanadkaan horaantiisii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay qorshe cusub oo ahaa in ciyaartoyda heerka 1d ay heshiisyo dhanka mushaarka ah la saxiixdaan kooxaha ay u ciyaaraan si ay u xuquuqdooda ugu helaaan sida caalamka ka jirta oo kale.
Sidaa dartee waxaan baaris iyo dabagal ku sameeynay lacagta ay ciyaartoyda Somalidu ka qaataan kooxaha ay u ciyaaraan hadii ayba jirto iyo inta ay la egtahay.

Kooxaha Elman iyo Badbaado oo wada ciyaaraya
Markii ay aad maqasho mushaar uu ciyaartoy qaato waxaa qaarkiin laga yaabaa in ay maskaxdooda ku soo dhacdo ciyaaryahanada ka ciyaara Premier League, La Lia, Seria A, Bundesliga ama Ligue 1 kuwaasoo malaayiinta dolar mushaar ahaanta u qaata, laakiin halkaan arrintu sidaa wey ka duwan tahay hana la yaabin hadii aad aragto qiimaha lacageed ee ay mushaar ahaanta u qaataan ciyaaryahanada heerka 1-aad ee dalka hadii ayba jirto in qaarkood la siiyo
waxaan u soo kala hormarsiinay sida ay kooxaha heerka 1d mushaaraadka u siiyaan ciyaaryahanada u ciyaara:-
1- Kooxda Elman FC
Waa kooxda ugu awood iyo magac weyn Soomaaliya xiligaan,waana kooxda kaliya ee si joogto ah u bixisa mushaar, waxey bishii mushaar ahaan u bixisaa lacag u dhexeysa $50-100 (kontan illaa boqol dolar) waxeyna u kala siisaa ciyaartoyda sidii ay kooxda ugu soo kala horeeyeen.
Intaa waxaa dheer in ciyaaryahanada Elman FC ay bishii kasta qaataan Raashin ceyriin ah oo ciyaaryahan kasta la siiyo, qaar ka mid ah ciyaartoyda Elman waxey ka shaqeeyaan mashruuca hay’adda Concern oo ah tababar lagu soo saaro ciyaartoyda da’yar ah.
2- Kooxda Horseed
Waa koox ay isku darsameen kooxdii la oran jirey Feynuus oo magacii laga badalay, waxeyna si toos ah u hoos tagtaa ciidanka xooga dalka, ciyaaryahanada u dheel guud ahaan waxey ka siman yihiin qiimaha mushaarka oo dhan $100 (boqol dolar) mana kala mushaar badna, laakiin si joogto ah uma helaan.
Waxaa suurta gal ah marmarka qaar in 3dii biloodba mar la isku siiyo mushaarka, taasoo ay kala siman yihiin mushaaraadka ciidanka militeriga ee DKMG ah, waxaa intaa u dheer in ay helaan Raashin ceyriin ah.
3- Kooxda Heegan
Waxey ku ciyaartaa magaca ciidanka booliska Soomaliyeed, lacagta ay mushaar ahaanta u qaataan waa $100 (boqol dolar) mana jiro ciyaaryahan ka mushaar badan ciyaaryahan kale, balse waxey Horseed kala siman yihiin sida Mushaarka lagu helo oo aan aheyn mid joogto ah, iyadoo ay macquul yahay in dhowrkii bilood ay hal mar ah isku qaataan, sidoo kale Raashin ceyriin ah ay helaan.
4- Kooxda LL-pp Jeenyo
Waxey ku midoobeen magacaan koox la oran jiray Gaheyr, waxaa gacanta ku haya ciyaaryahanadii hore ee kooxda Jeenyo oo dibada ku nool, kuwaasoo sheegay in ay ka go’antahay inay dib u arkaan magacii LL PP Jeenyo.
Mushaar waxey u helaan $50 (kontan dolar) lacagtaasi waxaa qaata wax lagu sheego xiddigaha waaweyn ee kooxda, halka wax loogu yeero kuwa yar yarka ah aysan wax mushaar ah helin isla markaana ay bilaash ku ciyaaraan.
5-Kooxda Saxafi FC
Waxey magacaan la wadaagaan koox la oran jiray SITT Daallo, waxeyna ku ciyaaraan magaca Hotelka Saxafi oo ah hotel Muqdisho ku yaala. waxey mushaar u qaataan lacag u dhaxeysa $40-50 (afartan ilaa kontan dolar).
6- Kooxda Dekaddaha
Waa kooxda ugu daqliga badan maxaa yeelay waxey ku ciyaaraan magaca Dekadda/furdada, laakiin ha la yaabin hadii ay tahay kooxda mushaarka ugu yar siisay ciyaartoydeed, waxey mushaar ahaan u qaataan $40 (afartan dolar) walow ay si joogto ah u helaan lacagtaasi.
7- Banaadir Sporting Club
Mudo dheer waxey ku ciyaari jirtay magaca Banaadir Telecom, laakiin hadda waxey la baxday magaca kor ku xusan sababtu waxey tahay iyadoo dooneysa in ay dhaqaalo kaga hesho dowladda hoose ee Muqdisho maadaama ay kooxdu heysato garoonkii kooxdii Ex Minishibiyo (Muqdisho) laakiin markii danbe waxaa la sheegay in heshiiskaasi uu burburay sababta lama ogo.
Waxaa gacanta ku haya koox dhalinyaro ah oo qaab beeleed u abaabulan iskuna xiran kuwaasoo aad u jecel kubadda cagta, hayeeshee wax mushaar ah ma qaataan ciyaartoydu , marka laga reebo shaxaad ay ku nool yihiin.
8- Kooxda Badbaado
Waa koox dhowaan gal ku ah horyaalka heerka 1d waxey ka timid heerka 2d, waa kooox ciyaal xaafadeed ah oo kuf iyo kac ku socda wax mushaar ah oo ay qaataan ma jirto iyaga ayaa jeebkooda iska dabara.
W/D C/Xafiid Zaciimka, Ceydiid C/raxmaan & Sunni
Email: warfaafiye@gmail.com

WAXAAN AAD ULA YABAY LACAGTA MARKA MALAGA YAABAA IN AY QAAR CARUUR LEYIHIIN HAA DABCAN ,ILAAH AYAA KAFALA QADAY WAXAY CUNAN LAAKIIN MAXAA KA HORTAGAN IN AY SHIRKADAHA LACAGTA LEH U CIYARAN MISE XOOG AYAA LAGU HESTAA MA FAHMIN WAXA JIRA OK WAA RUN HADII AAD KU SABARTID KOOXDADA WAXAA LAGA YABAA IN AAD TIXIGALIN HESHO YAAN IDIN WALIN EE NIYADA QEYR U SHEEGA WAAYO MUQDISHU $40 DOLLER WAX BADAN AYAY KA GOYSAA WAANA MAGALO ILAAH U NICCEYAY MASKIIN QARISO WEYO WAY WADA QURXOONYIHIIN DHAMAN DADKEDU