CED-Som
|

Muqdisho & Taraafikada Wadooyinka “Video iyo Sawiro”

Hadii 21 sano Muqdisho ay aheyd magaalo burbursan oo sharci iyo kala danbeyn ka jirin, maanta nidaam iyo sharci dadka kala haga ayaa laga dareemayaa.

Ciidamada Taraafikada ee Wadooyinka waxay ka mid yihiin hey’addaha sharciga iyo kala danbeynta dadka ku haga gaar ahaan gaadiidleyda, waxayna halbowle u yihiin ilaalinta sharciga iyo hagaajinta marista wadooyinka. 21 sano waxay ahaayeen howlgab shaqadoodii aan la tebin.

Iminka shaqadoodii ayey dib ula midoobeen, waxayna qeyb libaax leh ka qaataan ilaalinta sharciga marista wadooyinka Muqdisho oo xiligan ciriiri badan laga dareemayo magaalada maadaama dadku ay kusoo badanayaan.

Waxay bilaabeen howlgalo isugu jira, dhowrista hanaanka marista wadooyinka iyo ganaaxidda darawaliinta sharciga jebiya ama aan heysan ruqsadda wadida gaadiidka.

Ciidamada Booliska ee u tababaran xoojinta amaanka ayaa iyaguna qeyb libaax leh ka qaata ilaalinta sharciyada.

Tallaabadaasi waxay muujineysaa in Muqdisho ay ka gudubtay hagardaamooyinkii dhagar qabayaasha la damacsanaayeen, waxayna u gudubtay hannaanka caasimadaha kale ee caalamka ku dhaqmaan.


Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 26 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...