CED-Som
|

Daawo Bannaanbax lagu taageerayay shirka ka furmay Muqdisho

Dad weyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho oo markii danbe isugu soo aruuray Isgoyska Sayidka, waxayna taageerayeen shirka ansixinta Dastuurka ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxayna bannaanbaxooda ku muujinayeen  in dalku ka gudbo KMG.

Dibadbaxayaasha oo  iskugusoo uruuray barxada isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay socod ku mareen wadada laamiga ah ee isku xirta isgoyska Sayidka iyo barxada iskaashatada gaadiidka gobolka Banaadir oo markii dambe ay isugu soo uruureen.

Dadweynaha ayaa waxay kor u wateen Boorarka ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ka mid yihiin “waxaan dooneynaa Doorasho xalaal ah oo xor ah, 20ka August waa dhamaadka faqriga Soomaaliya,  iyo halku dhigyo kale oo ay dareenkooda ay ku muujinayeen.

Amaanka Bannaanbaxyaasha ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sugayay ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo watay gaadiidka shabaqlaha ah ee dadka rabshadaha sameeya lagu rido.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 26 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

4 Comments for “Daawo Bannaanbax lagu taageerayay shirka ka furmay Muqdisho”

  1. WAR DADKU MAXISHOONAYAAN MIYA WAXAY SOO SAWIREEN TAALLADII SAYIDKA OO AY FUJISTEEN IYO GURIGII HOOYOOYINKA OO AY BARXADDII HORTIISA AHAYD AY GURYO LAAMA YEERI MADOOBAADAY OO BILILQO AH SAARANYAHAY AY KA DHISTEEN.
    SHARAFTII AY BARXADDAASI LAHAYD WAA LAYAQAANEY, MAANTANA WAD ARAGTAAN SIDAY U EGTAHAY WALLEE INAYDNAAN DAD AHAYN DAMIIRNA LAHAYN SAA WAXAA SAA SOO BANDHIGAYSANE.

  2. Dadka waxay u baahan yihiin nidaam kala haga, quruxdii meeshaan ay laheydna waa la og yahay, Siyaad bare wuxuu yiri markuu baxayay dal ka tegi maaye dad mooyee.

  3. Waa ka xumahay, runtii markaan arkay taaladii sayidka oo meesha ka maqan wadnaha ayaa i gariiray, waan calool xamaaday waayo waxaan waayey astaan qaran oo luntay, waxaa ka sii daran goobtaas waxaa ku oolli jiray dhul aad u qurxbadan oo dhismyaal iyo taalooyin kale oo ay ka mit tahay taaladii daljirka dahsoon oo u dhaweyd taaladii geesigii sayid maxamed iyadana ishaydu maqaban, waxaan leeyahay dadka meesha isugu yimid waa dad u baahan dawlad nimo iyo qaran nimo, waa dad ay diloodeen dagaallo, bililiqo, niyadjabin iyo in markaste lagu handado qoriga caaradiisa. waxaan niyadda idin kugu qaboojinayaa waxaa la gaaray xilligii la xisaabtami lahaa oo la isweydiin lahaa wixii dhacay, waxaan idinleeyahay shacabkaas sharafta badanow, waxaad maanta la ooyeysaan dawlad la,aan iyo dhibaatooyin kale oo joogta ah oo idin dilooday, waxaadse maalin un arki doontaan in sharciga la horkeeno kuwii sidaas yeelay taaladii qaaliga ahayd ee sayid maxamed abdulle xasan iyo kuwii dumiyey qarankeenni aynnu jeclayn markas ayaad markale farxad la ooyidoontaan insha, allaah.

  4. Aduunka waa is badbadal badan yahay, marka wax walbo wey dhacaan, dalalkan aad aragtaan ee barwaaqo sooranka dhibaato tan ka xun ayey soo mareen maanta waa aragnaa

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...