CED-Som
|

Dib u dhac ku yimid markale shirka ansixinta Dastuurka

Dib u dhac ayaa ku yimid maanta markale shirkii ansixinta Dastuurka cusub oo la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/Kariin Xaaji Buux ayaa wuxuu sheegay in sababaha shirka maanta uu u baaqday ay tahay qilaaf ka dhaxtaagan odayaasha dhaqanka oo laga sugayay iney soo gudbiyaan ergooyinka dhiman.

C/kariin Xaaji Buux wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka ayaa sheegay in muran iyo isqabqabsi hada uu ka dhaxtaagan odayaasha dhaqanka kaasi oo ah in odayaasha ay isku qabsadeen qaarkood boosaskooda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka ayaa mar aan wax ka waydiinay sababta ay Dowladdu wax uga qaban la’dahay khilaafkaad Odayaasha dhaqanka ayaa waxa uu sheegay in aysan dowladdu faragashan karin arrintaasi, hase yeeshee loo saaray guddiga khilaafaadka oo laga soo xulay Odayaasha dhexdooda.

C/Kariin Xaaji Buux wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhameystirmeen ergada ansixinta Dastuurka islamarkaan ay jiraan ergo dheeraad ah oo keentay qilaafka odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyntii C/Kariin Xaaji Buux ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay kala saaran danta beelaha iyo mida guud loona baahan yahay inay muhiimada ay siiyaan howlaha qaranka.

Dib u dhaca shirarka Dastuurka ayaa wuxuu soo bilaawday 12-kii Bishan 21-Bishan maanta oo 23-ka Bishana dib dhac  kale ayaa ku yimid.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 23 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...