CED-Som
|

Maareeyaha Dekedda oo si jujuub ah xafiiska looga saaray

Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa gudaha Dekedda Muqdisho si awood ugu jirto ugu kaxeeyay Maareeyaha Dekadda Muqdisho Sayid Cali Macallin Cabdulle, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeyay Maareeyaha iyo Wasiirka Dekaddaha, gaadiidka bada iyo cirka.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegayaa inay la socdeen Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha iyo Maareeyaha cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Dekadda Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay isku gadaameen xafiiska Maareeyaha xilka laga qaaday ee Sayid Cali, kaddibna waxaa gudaha u galay ilaa toddobo ruux oo ay ku jiraan Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Maareeyaha cusub iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Maareeye Sayid Cali lagu amray inuu soo raaco gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM, iyadoona gaarigii uu watay ay u diideen inuu raaco, waxayna dhammaantood la sheegay in la geeyay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Arinta ayaa waxaa soo kala dhexgalay Madaxweyne Shariif oo isku dayaya inuu soo afjaro khilaafkan mudada soo socday.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 23 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

4 Comments for “Maareeyaha Dekedda oo si jujuub ah xafiiska looga saaray”

  1. Kkkkkkk, waa iska caadi in isbaaradii sii socoto, wali diyaar looma ah habdawladeed marka sidee baa loo dhihi kara xamar waa caasimad soomliyeed, runtii waa meel qabiil isbaaro u taal, mareeyaha ma aha in lal yaabo waayo waxaa uu ku dhaqmayaa qaabkii loo soo koriyey oo ku dhisnayd isbaarada, qabiil wax ku raadiska iyo qoriga caaraddiisa marka suurta gal ma aha in aan niraahnno xamar dadka lagama tarxiilayo, horta yaa imaanayo ayaa ka horrayso iskaba daa in ay caasimad noqoto ee guryihii ummadda soomaliyeed ayaa xoog lagu daggen yahay qofkii yiraahdo soo firi gurigaadana waa la qaarajinayaa marka sidee ;la isugu aamini karaa meel sidaas ah oo isbaaro aan dhammaanayn ay taallo, waxaa tiraahdeen waxaa soo dhex galay madaxweynaha, war hawshaan shaqadiisii ma aha wiilkaan yar waa la qooqoyey waxaana uu isku hallaynayaa qabiilkiisa oo xoog ku haysto magaalada iyo guryihii ummadda, waxaan dhihi lahayn halla iska illobo xamar waa casimad soomaaliyeed, hana loo diyaargaroobo caasimadda cusub ee soomaliya wixii ka dambeeyo August 2012.

  2. Adeer Magaca aad wadato iyo sida aad u hadleyso isma laha, qowmiyad dhan ayaa aflagaadeyneysaa, tan kale caasimada noo sheeg intee la geynayaa ma garoowe oo Ciise maxamuud kaliya degan ayaa u rarnaa mise hargeysa oo aan ognahay cida degan miyaa keynaa? adeeroow afka soo cadeyso ayaa ku leeyahay.

    • KU Jaalle Qaranimo.
      Marka hore wali lama hayo meel lagu yiri Xamar waa laga badalayaa Casumnadda soomaaliya.Saas darteed in wakhti lagu lumiyo ma aha wax an jirin.Haddiise la isku raaco in meel kale loo badalo waa wakhtigeeda.Laakiin Xamar say hadda tahay haddaan wax iska badalin ma sahlana xaalkeedu.Xamar waagii hore waxay ahayd meel u wada siman soomaaliweeyn.Haddana dad baa u qaatay in ay cid gaar u leeyahiin.Ugu dambeyn Insha Allaah khayr baan filaynaa.

  3. s/c…
    waxaan la yaabay kuwa isku heysto xamar ha ahadaan majeerteen ama hawiye!!!

    horta maxaa loo waayay in maareeyaha dekeda muqdisho looga dhigo dadkii asal ahaan deganaay xamar shaanshiyo ama bandhawoow ama reer bilaajo?

    ceel macaan ha adaan abgaal boosaaso ha adaan majeerteen hopyo ha adaan habar gidir.
    qaran doon iyo waayeel iyo qaranimo isku soo duu duub waxaad tihiin kuwii na dhacay oo na dilay oo na kufsaday oo nasoo tarxiilay.

    waxaa inoo balan eh aakhiro maalinta la hor taaagan yahay al qawiyu al kabiiru.

    xamar ha na lagu dilo boosaaso ha nalaga soo tarxiilo.
    waa filim waan iska fiirsan doonaa until the …!!!.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...