CED-Som
|

Safaarada Mareykanka ee Britian oo la kulantay Somalida Holland

{SAWIRO}Xoghayaha koowaad ee safaarada Mareykanka uu ku leeyahay dalka Ingiriiska una qaabilsan arrimaha wadamada saxaraha ka hooseeya ee Afrika Ms Rachel Meyers oo beryahanba booqasho ku joogtay dalka Nederland ayaa waxa ay la kulantay jaaliyada Somalida ee Nederland, waxayna ujeedadeedu aheyd sidii ay qurbo joogta Somalida ee dalkan uga qeexi laheyd siyaasada Mareykanka ee waqtiga ku wajahan Somalia iyo ay Somalida Yurub ku dhaqan ay gacan uga geysan lahaayeen arrimaha geedi-socodka nabada dalkooda.

Kulanka sarkaaladan iyo qurb-joogta Somalida dhexmaray ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Amsterdam ee caasimada Nederland, halkaasoo Ms. Meyers ay si qoto dheer uga warbixisay in Mareykanka uu hada weyn u taageersan yahay hanaanka la doonayo in Somalia lagu badbaadiyo loogana gudb dhibaatada mudada dheer soo taagneyd.

Amaanka

“Mareykanku waxa soo dhoweenayaa dhamaan dadaalaada nabada ee laga wado Somalia, gaar ahaan qorshaha qariirada nabada ee ay wado Q.M taasoo qorshuhu uu yahay in looga gudbo waqtiga KMG, loona gudbo dowlada buuxda oo joogta ah, waxaana rajeenayaa in waqtiga la qabtay ay wax badan ku hagaagi doonaan, isla markaana la soo xuli doono baarlamaan, kaasoo ka dibna soo dooran doona madaxweyne 20-ka August ee sanadkan.” ayey tiri Meyers oo intaa ku dartay in qorshaha Mareykanka uu yahay inuu taageero hanaanka wanaagsan ee loo marayo dowladnimada Somalia, laakiin shacabka Somaliyed ay u taalo cidii ay codkooda siinayaan oo ay u dooran lahaayeen madaxweyne.

Waxa ay amaantay howgalada militari ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia oo ay sheegtay inay horumar dhinaca amaanka ah sameeyeen todobaadyadii la soo dhaafay, taasoo fududeenaya bay tiri in la sii balaariyo howlaga gargaarka baniáadinimada oo la gaarsiiyo meelaha looga baahan yahay ee dalka Somalia.

“Waxaanu nahay dowlada ugu weyn ee dhaqaalaha siisa ciidamada Midowga Afrika ee nabad Ilaalinta u jooga Somalia, laakiin hadana waxa aynu garowsanahay baahida loo qabo karo in la dhiso ciidamada militariga iyo booliska ee qaranka Somalia. Waxaanu wada shaqeyn la leenahay Midowga Yurub dhinaca arrimaha Somalia, waana mashruuc waqti dheer socon doona oo aanu dib ugu dhisi doono hayádaha dowliga ee Somalia. Ma ahaa runtii in Somalida ay waqti dheer isku haleeyaan ciidamada shisheeye ee dalkooda nabad ilaalinta u jooga, laakiin iyaga looga baahan inay amaankooda ka shaqeeyaan, si baahidaasi looga gudbo ayaa dowlada Mareykanka ay wadaa qorshe ay dib u dhisayso hayádaha amaanka ee Somalia.” ayay tiri Rachel Meyers.

Horumarka

Meyers waxa ay soo hadal qaaday in Mareykanka uu hada ka shaqeeyo arrimaha horumarinta, dowlada wanaaga iyo dumoqraadiyada dalka Somalia, iyadoo sheegtay inay wadaan howlo lagu xoojinayo wacyi gelinta dhinaca maamul wanaaga. “Waxaanu arrimaha kala shaqeeynaa ururada bulshada rayidka ee Soomaaliyeed, gaar ahaan waxaanu wada shaqeyn la leenahay qaar ka mida ururada haweenka, waxaana ognahay in haweenka qaarkood ay karti u leeyihiin ka shaqeynta arrimaha nabada iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca horumarka dhaqaalaha ayey Meyers sheegtay in Mareykanka uu ka gacan ka geysto sidii dhalinyarada Somalida loogala talin lahaa sidii ay u sameyn lahaayeen ganacsi guuleysta. “Waxaanu ognahay in Somalida ay ku firfircoon yihiin dhinaca ganacsiga, marka waxaana isku daynaa inaan ka caawino dhinaca tababarada aqoonta sidii horumar loogu sameyn lahaa dhaqaalaha dalka.” ayay tiri Meyers.

Aqoonta iyo caafimaadka

Meyers waxa ka hadashay sida Mareykanka uu ugu leeyahay dhinaca tacliinta Somalida, waxayna xustay in Mareykanka uu tababar siiyo macalimiinta iyo maamulada iskuulada Somalia. “Waxaanu sidoo kale gacan ka geysnayaa sidii loo horumarin lahaa manhajka waxbarasho ee Somalia iyo inagoo iibinaya buugaagta wax lagu barto.

Waxaan sidoo kale caawinaa waxbarashada ciyaalka yar yar,” ayey tiri Meyers oo intaa ku dartay in Mareykanka uu sidoo kale wax ka qabto arrimaha gargaarka caafimaadka gaar ahaan sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, loogana hortagi lahaa cudurada ka dhashada biyaha.

“waxanu ognahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay u dhinteen cuduro laga hortagi karay oo ka dhashay nadaafada darada biyaha, waxaana muhiim ah in dadka la baro farsamada iyo aqoonta ay u daaweysan lahaayeen biyaha ay cabaan si ay uga badbaadaan halis caafimaad.” ayay yiri Meyers. “waxaanu sameenay olole balaaran oo lagu talaalay dad badan oo Soomaaliyeed oo qaaday xanuunka ka dhasha biyaha wasaqeysan. Waxaan sidoo kale gacan ka geysanay gargaarkii loo fidiyey dadkii abaarahu saameyeen ee koonfurta somalia.”

Rachel Meyers waxay cadeysay in siyaasada Mareykanka uu la leeyahay Somalia ay tahay uun sidii dib loogu soo celin lahaa qarankii Somalia, isla markaana uu ka qeyb qaadanayo dadaal kasta oo nabadeed oo Somalia looga saarayo dhibaatada.

Intaasi ka dib Cabdi Nuur oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyey talo ku saabsaneyd in Mareykanka uu joojiyo dhiiri gelinta uu ku sameenayo dhismaha maamul goboleedyada faraha badan ee lagu dhawaaqayo.

Axmed Kiimiko oo ah sarkaal u ololeeya arrimaha difaaca xaquuqda aadanaha ayaa isna ku taliyey in beesha caalamka ay ka gudubtaa dhaqanka taageerida shaqsiyaadka ku yimid hogaanka qori caaridiis iyo in aan talada loo dhiibin hogaamiye dembi ka galay umada, waxaana loo baahan yahay buu yiri in beesha caalamku ay taageerto shaqsi nadiif ah oo leh taariikh aqooneed oo fiican, sumcadna ku leh umada dhexdeeda oo aan dembi ka gelin.

Mar la weydiiyey sababta uu Mareykanka u taageerayo fara-gelinta militari ee ay wadamada deriska ku hayaan Somalia waxa ay sheegtay in aysan jirin taageero toos ah oo Mareykanka uu la garab istaagay wadamadaasi, laakiin ay muhiim tahay bay tiri in marka hore Somalida ay iyagu ka adkaadaan amaankooda oo ay damaanad qaadaan inaysan jirin arrin halis gelin karta amaanka wadamada deriska la ah.

Kulankan waxa uu ahaa kii ugu horeeyey ee sarkaalada ay la yeelato Somalida ku nool dalka Nederland, waxayna sheegtay in Mareykanka uu fahansan yahay in qurbo joogta Somalida ay leeyihiin karti iyo biseyl ay wax uga qaban karaan dib u dhiska dalkooda.

Ms Meyers waxa ay sheegtay in warbixinta kulankeeda Somalida Nederland ay u gudbin doonta dowlada Mareykanka ayna rajeenayo in wax lagu qaadan doono talooyinka la soo jeediyey.

Mohamed Abdi Farah
Professional Journalist
Utrecht, Nederland

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 20 2012. Filed under Sawirada, Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...