Mataanihii isku dhegana ee Hargeysa ku dhashay oo dhintay “Sawiro”
Mataanihii isku dheganaa ee ku dhashay Xarunta Xannaanada Dr Khalid ee magaalada Hargeysa ayaa dhintay kadib mudo saacado ah oo ay noolaayeen.
Hooyada dhashay ilmahani isku dheganaa ayaa Warbaahinta u sheegtay in marka hore Alle ugu mahadcelineyso dhacdada ay la kulantay, intaa kadibna waxay sheegtay in mudadii ay coloosha ku waday ay dareemi jirtay culeys saa’id ah.
Sheekada ugu hadal heynta badan ee magaalada Hargeysa ayaa noqotay ilmahaasi isku dhegan ee ku dhashay magaalada Hargeysa, iyadoo dad badan ay isku dayeen in ay indhahooda ku arkaan caruurtaasi Illaahey u abuuray iney isku dheganaadaan.
