CED-Som
|

Tahriibayaal Soomaali ah oo jir dil loogu geysto xabsi ku yaal Libya

Xabsi ku yaal magaalada Misraata ee wadanka Libya ayaa waxaa ku jira 300 qof  tahriibayaal Soomaaliyeed oo isugu jira rag iyo dumar, waxayna dhibaato kala kulmaan askarta xabsiga oo jirdil baahsan u geysta.

Deeqo Axmed oo ka mid ah dadka ku xiran xabsigaas ayaa sheegtay in ay ka kooban yihiin 250 rag iyo 30 haween ah isla markaana maalin walba tacaddiyo ka dhan ah bini’aadannimada loo geysto, iyadoo xustay in falkaas ay geysanayaan koox hubeysan oo ka amar qaata shakhsi u dhaqma sida hoggaamiye kooxeedyada kaas oo lacago ka doonaya dadka Soomaalida ah.

Waxay intaas raacisay gabadhan iyadoo ilmayneysa in kooxdaas hubeysan aysan muddo labo maalin ah wax cunto ah siinin dadka maxaabiista ah ayna karbaash ku garaacaan had iyo goor oo ay xabadka dhulka u dhigaan.

Sacdiyo Maxamed oo iyaduna ka mid ah dadka Soomaalida ee ku xiran Libya ayaa ka codsatay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka lagu hayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Libya ayaa dhowaan waxaa ka dhacay kacdoon hubeysan, iyadoo dadka Soomaalida ah ay waddankaasi u tahay marin ay uga sii gudbaan dalalka Yurub taas oo inta badan ay naftooda halis ku gasho.

Email: warfaafiye@gmail.com
Posted by on Jul 18 2012. Filed under Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Jeelle: Waxaan ka naxay markii aan arkay Indhacade oo soo dhoweynaya Yuusuf Garaad. MIyaysan muujinyayn in Yuusf...
  • hassan m.said: bismillah markaay soomaaliya aay deganeeyd,soomaalidu sidan beey u calool fiyooweeyd, una ciyaar...
  • Qaran doon: Yuusuf garaad in uu ka tago BBCda kuma imaanin si fudud isagana kama aanu ruqsaysan, laakiin waxay ka mid...
  • Axmd: Allaa dhamaystiran. Hadduu Yuusuf Garaad dhamaystiran yahay cid qabyo ahaanba jirin.Tolkiisiina waa ka tageen...
  • puntlander: asc! shaydaab cali dheeor waxaad ogaataa narka hore inuu ilaah dadka dilo uusan isaga wax dili kirin iyo...
  • Qaran doon: wiilka iyo gabadha mar hore ayaan u sheegay guusha kaliya oo ay gaari karaan in ay tahay in ay iska...
  • Gabar soomaaliyeed: Dhamaan umada muslimiinta ah kana sii ah soomaalida Waxaad ilawdeen ramadaantiinii waxaan idiin...
  • Qurbaawi Uk: Meeshaan waxaa kamuuqata Mooryaanimadii London uu kalatagay oo uu Muqdisho lategey Dhinaciisa mooryaan...
  • Ahmed: asc Dhamaan Ilaahay ha laga cabsado waa Ramadaan ha ilaawina. Maqaalada noocan oo kale ahi waa kuwa cadaynaya...
  • PIS SIRDOONKA: Yusuf garaad iyo daarood neceeb maxaa kalaheesta!!!!!!! Yusuf garaad wuxuu aamin san yahay in daarood...